{"id":105748,"date":"2025-12-31T11:42:54","date_gmt":"2025-12-31T11:42:54","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=105748"},"modified":"2025-12-31T11:42:54","modified_gmt":"2025-12-31T11:42:54","slug":"raiisul-wasaare-xamse-oo-kulan-gaar-ah-la-yeeshay-safirka-shiinaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/raiisul-wasaare-xamse-oo-kulan-gaar-ah-la-yeeshay-safirka-shiinaha\/","title":{"rendered":"Ra&#8217;iisul wasaare Xamse oo kulan gaar ah la yeeshay safirka Shiinaha"},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya, Wang Yu.<\/p>\n<p>Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii meel looga soo wada jeesan lahaa faragelinta Isra\u2019iil ku heyso madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo difaaca danaha labada dal ee ku dhisan iskaashiga amniga iyo siyaasadda.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha, ayaa Danjiraha la wadaagay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go\u2019an tahay difaaca danaha Qaranka, ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo amniga iyo nabadda guud ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Danjiraha Dowladda Shiinaha Mudane Wang Yu, ayaa caddeeyay in Dowladdiisa ay si buuxda u taageersan tahay midnimada dhuleed ee\u00a0 Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayna ka go\u2019an tahay ixtiraamka madax-bannaanida, iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in ay mar walba garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyay Danjiraha, garab istaagga Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, ee ay kaga falcelisay tallaabadii ay Isra\u2019iil ku faragelisay iyo sidii ay moowqifkeeda uga caddeeyeen kulankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu difaacayay midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya, Wang Yu. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii meel looga soo wada jeesan lahaa faragelinta Isra\u2019iil ku heyso madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo difaaca danaha labada dal ee ku dhisan iskaashiga amniga iyo siyaasadda&#8230;.<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":105749,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105748"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=105748"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105748\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":105750,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105748\/revisions\/105750"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/105749"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=105748"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=105748"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=105748"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}