{"id":105495,"date":"2025-12-23T05:27:25","date_gmt":"2025-12-23T05:27:25","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=105495"},"modified":"2025-12-23T05:57:30","modified_gmt":"2025-12-23T05:57:30","slug":"booliiska-gobolka-banaadir-oo-xiray-askar-si-sharci-darro-ah-hub-ugu-dhex-watay-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/booliiska-gobolka-banaadir-oo-xiray-askar-si-sharci-darro-ah-hub-ugu-dhex-watay-muqdisho\/","title":{"rendered":"Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar \u2018si sharci darro ah\u2019 hub ugu dhex watay Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p>Taliska Ciidanka Booliiska qaybta Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 Askari oo uu ku eedeeyay in ay si sharci darro ah hub ugu dhex wateen Magaalada Muqdisho maadaama talisku uu horay uga soosaaray awaamiir ka dhan ah arrintaan.<\/p>\n<p>Booliiska ayaa sheegay in ay Maxkamad u gudbinayaan mar haddii ay ka dhega-furaysteen amarka kasoo baxay Hay\u2019adaha ammaanka Dowladda Federaalka horayna loogu wargeliyay dhammaan ciidamada sida hadalka loo dhigay.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cCiidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliska Caasimadda, Saldhigga Bartamaha, ayaa gacanta ku dhigay 11 eedaysane oo askar ah, kuwaas oo lagu soo qabtay iyagoo si sharci-darro ah ugu hubaysan bartamaha caasimadda\u201d<\/em><\/strong> ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska qaybta Booliiska Gobolka Banaadir.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cEedaysanayaashan ayaa baalmaray awaamiirta hay\u2019adaha amniga ee farayay in aan lagu arki karin caasimadda askari aan shaqo ku jirin oo si iskiis ah hub ula dhex socda magaalada, 11-ka eedaysane waxay haatan ku jiraan gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda ay khusayso\u201d<\/em><\/strong> ayaa lagu soo gabagabaayay qoraalka Booliiska.<\/p>\n<p>Hay\u2019adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay Caasimadda uga mamnuucay in lagu dhex qaato hubka culus ee qaarkood Gaadiidka lagu xiro, ilaalo badan ee la socota dadka is ilaaliyo &amp; in askarta hub ku dhex qaataan Muqdisho.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Taliska Ciidanka Booliiska qaybta Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 Askari oo uu ku eedeeyay in ay si sharci darro ah hub ugu dhex wateen Magaalada Muqdisho maadaama talisku uu horay uga soosaaray awaamiir ka dhan ah arrintaan. Booliiska ayaa sheegay in ay Maxkamad u gudbinayaan mar haddii ay ka dhega-furaysteen amarka kasoo baxay Hay\u2019adaha&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":78099,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105495"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=105495"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105495\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":105500,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105495\/revisions\/105500"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/78099"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=105495"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=105495"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=105495"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}