{"id":105487,"date":"2025-12-22T17:47:42","date_gmt":"2025-12-22T17:47:42","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=105487"},"modified":"2025-12-22T17:47:42","modified_gmt":"2025-12-22T17:47:42","slug":"hayadda-isgaarsiinta-qaranka-jaamacadda-muqdisho-oo-qabtay-madasha-saddexaad-ee-amniga-saaybarka-qaranka-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/hayadda-isgaarsiinta-qaranka-jaamacadda-muqdisho-oo-qabtay-madasha-saddexaad-ee-amniga-saaybarka-qaranka-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka &#038; Jaamacadda Muqdisho oo Qabtay Madasha Saddexaad ee Amniga Saaybarka Qaranka Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Madasha Amniga Saaybarka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho, iyadoo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Jaamacadda Muqdisho. Madashan oo socon doonta muddo labo maalmood ah, oo cinwaankeedu yahay &#8220;Hormarinta Amniga Dhigitaalka ee Soomaaliya,&#8221; ayaa waxaa kasoo qeybgalay khubaro, mas\u2019uuliyiin ka socda dowladda, shirkadaha isgaarsiinta, shirkadaha bixiya adeegga internetka, bangiyada, iyo ururada bulshada rayidka ah.<\/p>\n<p>Madashan, oo ah mid sanadle ah, ayaa ujeeddadeedu tahay xoojinta amniga dhijitaalka ee dalka, kobcinta iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo horumarinta fahamka guud ee daneeyayaasha ee ku wajahan mas\u2019uuliyadda wadajirka ah ee amniga dhijitaalka. Sidoo kale, madasha waxaa lagu falanqeyn doonaa doorka amniga Saaybar-ka ee kaabayaasha dhijitaalka ee qaranka (Digital Public Infrastructure), iyo baahida loo qabo nidaamyo iyo siyaasado casri ah si loo yareeyo khataraha sii kordhaya ee internet-ka.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr Ibraahim Maxamed Mursal, oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa soo dhaweeyay ka-qaybgalayaasha, isaga oo adkeeyay baahida loo qabo iskaashi dhow oo u dhexeeya dowladda, jaamacadaha, iyo hay\u2019adaha gaarka loo leeyahay. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay iskaashiga u dhexeeya Jaamacadda Muqdisho iyo Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka ee wada-qabashada madashan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<figure style=\"width: 2048px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/601979163_1318939910274026_8318236767316162303_n.jpg?_nc_cat=102&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=127cfc&amp;_nc_ohc=_fG2uJDixjAQ7kNvwFhYRB1&amp;_nc_oc=AdkD02FdeP_2348wpEjH557HNWSGMEDGkXAeak1PtK8S8VuAA_xkF7ZXwEnvvaCiFSo&amp;_nc_zt=23&amp;_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&amp;_nc_gid=F6j8M8Q2ARGfZ6dIHAToyA&amp;oh=00_AfmJKtS0FLuBHGutTXo-50nP_3Yn2niPLSi8byB9TZyQNA&amp;oe=694F4BF4\" alt=\"May be an image of \u200edais and \u200etext that says '\u200e3RD NATIONAL CYBERSECURITY FORUM Horu \u044enmo C inta taalka a 3 NATIONAL CYBE CYBERSECURITY YBERSECURITY FORUM Herunatinba AmnigaD Dhijitaalka scomadliya Ftorno.ing \u05d5\u05e4\u05dd DigitalSecu ecurity Samalo \u1798\u1798 NEA 23tcvmbvr3e \uc624 LEx dNNeNcNONad\u200e'\u200e\u200e\" width=\"2048\" height=\"1365\" \/><figcaption class=\"wp-caption-text\">Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr Ibraahim Maxamed Mursal<\/figcaption><\/figure>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Dhankiisa, Maareeyaha Guud ee Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mustafa Yaasiin Sheekh, oo furitaanka madasha ka hadlay, ayaa xusay in amniga saaybarku yahay tiir-dhexaad ka mid ah ajendaha isbeddelka dhijitaalka ee Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay iskaashi dhow oo u dhexeeya hay\u2019adaha dowladda, jaamacadaha, iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay si wadajir ah loo wajaho khataraha saaybarka. Maareeyaha ayaa sidookale xusay in HIQ ay ka go\u2019an tahay dhismaha nidaamyo iyo awood farsamo si loo ilaaliyo kaabayaasha isgaarsiinta qaranka iyo adeegyada dhijitaalka.<\/p>\n<figure style=\"width: 2048px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/600287910_1318931326941551_5215035049970208108_n.jpg?_nc_cat=104&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=127cfc&amp;_nc_ohc=dfd0wl5F6KMQ7kNvwGTsk4a&amp;_nc_oc=AdkVyh7dJCeFfpNNbHQcjEQ5Fy7OXihlavoIEbE5_MsJRKk7PvT58_RmzEVNfh0Y-10&amp;_nc_zt=23&amp;_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&amp;_nc_gid=nTOPG26-Xg5SF25BOo97tQ&amp;oh=00_Afk_2xIpughy_CUu1yxhUqCs2t7XTOaR_NEZXehxSctrsw&amp;oe=694F616B\" alt=\"May be an image of newsroom, dais and text\" width=\"2048\" height=\"1365\" \/><figcaption class=\"wp-caption-text\">Dhankiisa, Maareeyaha Guud ee Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mustafa Yaasiin Sheekh<\/figcaption><\/figure>\n<p>Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Xildhibaan Maxamed Macallin Adan (Soomaali), ayaa si rasmi ah u furay madasha. Wasiirka ayaa ku tilmaamey in Amniga Saaybarka-ku uu yahay halbeeg qaran oo mudnaan gaar ah leh, isla markaana wasaaraddu ay waddo diyaarinta iyo hirgelinta sharciyo iyo siyaasado lagu xoojinayo amniga dhijitaalka ah, laguna ilaalinayo xogta iyo adeegyada muhiimka u ah bulshada iyo dowladda. Wasiirka ayaa sheegay in mar dhaw baarlaamaanka ansixin doono sharciga Amniga Saaybarka.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/603933898_1318931226941561_1873096597650931618_n.jpg?_nc_cat=107&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=127cfc&amp;_nc_ohc=kR-Dy35ucEMQ7kNvwGZbCRJ&amp;_nc_oc=Adn9K0uHqxRZmBxt0FmsYJ854XJCzYmo2FfUNjfOu1j78fICdsMvNUsk6JcwwNp_N4E&amp;_nc_zt=23&amp;_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&amp;_nc_gid=EMElx5DKeb9uaTNUB49tVA&amp;oh=00_Aflb0MMGzkvBBq8J1pAVoEhizBtqhrVv_hV9jbNAf9Nedg&amp;oe=694F71D4\" alt=\"May be an image of one or more people, newsroom, dais and text\" \/><\/p>\n<p>Inta lagu guda jiro labada maalmood ee madasha, waxaa lagu soo bandhigi doonaa khudbado muhiim ah, fadhi-doodyo, warbixinno cilmi-baaris, iyadoo \u00a0diiradda lagu saari doono horumarinta amniga Saaybar-ka ee dalka, wacyigelinta bulshada, iyo iskaashiga u dhexeeya daneeyaasha kala duwan ee amniga saaybarka dalkeenna. Doodahaasi waxaa laga filayaa in ay soo saaraan talooyin wax-ku-ool ah oo lagu sii xoojinayo heerka amniga saaybarka ee qaranka.<\/p>\n<p>Madashan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya u qaadday dhanka horumarinta nidaamyo, siyaasado, iyo awood qaran oo lagu xaqiijinayo amniga dijitaalka ah iyo adkeysiga kaabeyaasha dhijitaalka ee qaranka.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madasha Amniga Saaybarka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho, iyadoo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Jaamacadda Muqdisho. Madashan oo socon doonta muddo labo maalmood ah, oo cinwaankeedu yahay &#8220;Hormarinta Amniga Dhigitaalka ee Soomaaliya,&#8221; ayaa waxaa kasoo qeybgalay khubaro, mas\u2019uuliyiin ka socda dowladda, shirkadaha isgaarsiinta,&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":105489,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105487"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=105487"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105487\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":105490,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105487\/revisions\/105490"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/105489"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=105487"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=105487"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=105487"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}