{"id":105279,"date":"2025-12-16T05:27:49","date_gmt":"2025-12-16T05:27:49","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=105279"},"modified":"2025-12-16T05:27:49","modified_gmt":"2025-12-16T05:27:49","slug":"diyaaradaha-maraykanka-oo-duqayn-ka-dhan-ah-as-ka-gaystay-gobolka-jubada-hoose","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/diyaaradaha-maraykanka-oo-duqayn-ka-dhan-ah-as-ka-gaystay-gobolka-jubada-hoose\/","title":{"rendered":"Diyaaradaha Maraykanka oo duqayn ka dhan ah \u2018AS\u2019 ka gaystay Gobolka Jubada Hoose"},"content":{"rendered":"<p>Diyaaradaha duulliye la\u2019aanta ee Maraykanka (Drones) ayaa duqaymo ka dhan ah \u2018AS\u2019 ka fuliyay Duleedka Magaalada Kismaayo Gobolka Jubada Hoose oo dhanka kale ah xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland.<\/p>\n<p>Duqayntaan waxaa xigay howlgal dhulka ah oo ay fuliyeen ciidamo isugu jiray Kumaandooska Danab ee Maraykanka uu tababaray iyo kuwa daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland sida ay xaqiijiyeen ilo amni oo ku dhow howlgalkaan.<\/p>\n<p>Saraakiil katirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaan uu ahaa beegsiga xubno katirsan \u2018AS\u2019 oo halkaas ku sugnaa sida hadalka ay u dhigeen.<\/p>\n<p>Maraykanka ayaa inta badan dib ka faahfaahiya natiiijada howlgallada uu ka gaysto qaybo kamid ah Koofurta, Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya, Taliska AFRICOM ayaa dhowaan shaaciyay in uu kordhiyay howlgallada ka dhanka ah \u2018AS\u2019 &amp; Daacish.<\/p>\n<p>La soco wixii kasoo kordha<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Diyaaradaha duulliye la\u2019aanta ee Maraykanka (Drones) ayaa duqaymo ka dhan ah \u2018AS\u2019 ka fuliyay Duleedka Magaalada Kismaayo Gobolka Jubada Hoose oo dhanka kale ah xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland. Duqayntaan waxaa xigay howlgal dhulka ah oo ay fuliyeen ciidamo isugu jiray Kumaandooska Danab ee Maraykanka uu tababaray iyo kuwa daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland sida ay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":74995,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,78],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105279"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=105279"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105279\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":105280,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105279\/revisions\/105280"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/74995"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=105279"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=105279"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=105279"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}