{"id":105189,"date":"2025-12-13T16:42:13","date_gmt":"2025-12-13T16:42:13","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=105189"},"modified":"2025-12-14T02:44:06","modified_gmt":"2025-12-14T02:44:06","slug":"dowladda-zimbabwe-oo-soo-saartay-amar-ka-dhan-ah-ganacsiyada-ajaanibta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/dowladda-zimbabwe-oo-soo-saartay-amar-ka-dhan-ah-ganacsiyada-ajaanibta\/","title":{"rendered":"Dowladda Zimbabwe oo soo saartay amar ka dhan ah ganacsiyada Ajaanibta"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Zimbabwe ayaa soo saartay sharciyo cusub oo saameynaya ganacsiyada ay leeyihiin ajaanibta, gaar ahaan kuwa yaryar ee inta badan ay ka shaqeeyaan Ajaanibta.<\/p>\n<p>Sida uu sharcigu dhigayo, laga bilaabo bisha Diseembar 2025, ganacsiyada ay leeyihiin shisheeyaha ayaa 75% lagu wareejin doona muwaadiniinta Zimbabwe ugu dambayn sanadka 2028.<\/p>\n<p>Ganacsi kasta oo aan u hoggaansamin amarkan waxaa lagu qasbi doonaa la xiro ama gebi ahaanba laga saaro dalkaasi.<\/p>\n<p>Sharcigan cusub wuxuu si gaar ah u taabanayaa ganacsiyada yaryar ee maalin walba ay dadku adeegtaan, sida timo-jarayaasha, goobaha qurxinta, dukaamada rootiga, adeegyada gaadiidka, dukaamada tafaariiqda iyo qodista macdanta yaryar.<\/p>\n<p>Dowladda ayaa sheegtay in ganacsiyadan hadda wixii ka dambeeya ay kaliya lahaan karaan muwaadiniinta Zimbabwe, si loo sugo ilaha dhaqaalaha dalka.<\/p>\n<p>Si kastaba, maal-geliyeyaasha waaweyn ee ajaanibta ah wali waa loo oggol yahay inay Zimbabwe ka sii shaqeeyaan, haddii ay sameeyaan maal-gashi ballaaran oo ay shaqaaleysiyaan in ka badan boqol qof oo Zimbabwean ah.<\/p>\n<p>Xukuumadda Zimbabwe ayaa ku doodaysa in ay dooneyso yareynta shaqo la&#8217;aanta ka jirta dalkaasi, balse waxaa jira dhaliilo loo jeedinayo dowladda oo la xiriira culeys iyo maalgashiga oo meesha ka bixi kara.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Zimbabwe ayaa soo saartay sharciyo cusub oo saameynaya ganacsiyada ay leeyihiin ajaanibta, gaar ahaan kuwa yaryar ee inta badan ay ka shaqeeyaan Ajaanibta. Sida uu sharcigu dhigayo, laga bilaabo bisha Diseembar 2025, ganacsiyada ay leeyihiin shisheeyaha ayaa 75% lagu wareejin doona muwaadiniinta Zimbabwe ugu dambayn sanadka 2028. Ganacsi kasta oo aan u hoggaansamin amarkan&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":105190,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105189"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=105189"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105189\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":105191,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105189\/revisions\/105191"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/105190"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=105189"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=105189"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=105189"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}