{"id":105063,"date":"2025-12-09T16:05:56","date_gmt":"2025-12-09T16:05:56","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=105063"},"modified":"2025-12-09T16:05:56","modified_gmt":"2025-12-09T16:05:56","slug":"soomaaliya-iyo-masar-oo-ka-wada-hadlay-amniga-iyo-maalgashiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/soomaaliya-iyo-masar-oo-ka-wada-hadlay-amniga-iyo-maalgashiga\/","title":{"rendered":"Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay amniga iyo maalgashiga"},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan gaarku qaabilay danjiraha Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Saalax Xasan Keshtaax.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa looga wada hadlay arrimo la xiriira maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan dhanka caafimaadka iyo tamarta.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Xamse, ayaa dowladda Masar uga mahadceliyay taageerada shacabka Soomaaliyeed ee xilliyada kala duwanaa.<\/p>\n<p>Danjiraha Masar, Maxamed Saalax, ayaa Ra\u2019iisul Wasaaraha uga mahadceliyey qaabilaadda, wuxuuna sheegay in dowladda Masar ay sii xoojin doonto heshiisyadii iskaashi ee horey loo galay ee diiradda saarayay dhinacyada muhiimka u ah danaha labada dal.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul wasaare Xamse ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeelanayay xubno ka tirsan beesha caalamka, isagoo kala hadlayay xaaladda binu aadanimo ee Soomaaliya.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan gaarku qaabilay danjiraha Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Saalax Xasan Keshtaax. Kulanka ayaa looga wada hadlay arrimo la xiriira maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan dhanka caafimaadka iyo tamarta. Ra\u2019iisul Wasaare Xamse, ayaa dowladda Masar uga mahadceliyay taageerada shacabka Soomaaliyeed ee xilliyada kala duwanaa. Danjiraha Masar,&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":105069,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105063"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=105063"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105063\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":105070,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105063\/revisions\/105070"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/105069"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=105063"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=105063"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=105063"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}