{"id":104787,"date":"2025-12-01T06:11:06","date_gmt":"2025-12-01T06:11:06","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=104787"},"modified":"2025-12-01T06:11:06","modified_gmt":"2025-12-01T06:11:06","slug":"deegaanno-katirsan-gobolka-nugaal-oo-abaar-darteed-looga-barakacay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/deegaanno-katirsan-gobolka-nugaal-oo-abaar-darteed-looga-barakacay\/","title":{"rendered":"Deegaanno katirsan Gobolka Nugaal oo abaar darteed looga barakacay"},"content":{"rendered":"<p>Deegaanno katirsan Gobolka Nugaal ee Dowlad-Goboleedka Puntland waxaa dadka degen saamayn taban ku reebay abaar, waxa ay qoysaska qaar billaabeen in ay isaga tagaan deegaankooda si ay u raadsadaan deegaannada ay ka heli karaan biyo &amp; cunno.<\/p>\n<p>Dadkaan Barakacay oo u badan Xoolo dhaqato ayaa isaga hayaamay Tuulada Godbo &amp; Deegaanno kale oo dhinaca Miyiga ah oo hoos taga Degmada Godobjiraan ee Gobolka Nugaal Dowlad-Goboleedka Puntland.<\/p>\n<p>Waxa ay dalbadeen in laga caawiyo sidii ay u heli lahaayeen ceel-biyood deegaanka ah si ay u waraabistaan Xoolahooda iyagana ay u cabbaan biyahaas, fariin toos ah ayay u direen cid weliba oo xalka arrintaan gacan ka gaysan karta.<\/p>\n<p>Qaybo kamid ah Gobollada Dalka gaar ahaan Waqooyiga waxaa ka jira abaaro xooggan oo saamayn taban ku reebay nolosha Dadka iyo Duunyada, dad ilaa haatan aan tira-koob rasmi ah lagu samayn ayaa barakacay, waxa ay raadsadeen dhul biyo &amp; daaq leh.<\/p>\n<p>Tani waxa ay sii kordhineysaa tirada qoysaska barakacay, Hay\u2019adaha diiwaangeliya Barakacayaasha &amp; Qaxootiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in barakacu uu weli socdo, khatartana ay sii kordhi karto sida ay hadalka u dhigeen.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Deegaanno katirsan Gobolka Nugaal ee Dowlad-Goboleedka Puntland waxaa dadka degen saamayn taban ku reebay abaar, waxa ay qoysaska qaar billaabeen in ay isaga tagaan deegaankooda si ay u raadsadaan deegaannada ay ka heli karaan biyo &amp; cunno. Dadkaan Barakacay oo u badan Xoolo dhaqato ayaa isaga hayaamay Tuulada Godbo &amp; Deegaanno kale oo dhinaca Miyiga&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":104788,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,77],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104787"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=104787"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104787\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":104789,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104787\/revisions\/104789"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/104788"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=104787"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=104787"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=104787"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}