{"id":104779,"date":"2025-11-30T14:34:47","date_gmt":"2025-11-30T14:34:47","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=104779"},"modified":"2025-11-30T14:34:47","modified_gmt":"2025-11-30T14:34:47","slug":"wafdi-ka-socda-dfs-oo-u-safray-dalka-masar","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wafdi-ka-socda-dfs-oo-u-safray-dalka-masar\/","title":{"rendered":"Wafdi ka socda DFS oo u safray dalka Masar"},"content":{"rendered":"<p>Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Odowaa Yuusuf Raage, iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda, ayaa maanta u safray dalka Masar.<\/p>\n<p>Wafdigaan ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay Masar kala hadlaan xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya labada dal gaar ahaan taageera dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida.<\/p>\n<p>Masar ayaa lagu wadaa in ay Soomaaliya u soo diraan ciidanka ka qeyb qaata dagaalka AS gaar ahaan sugida amniga deegaannada la xorreeyay.<\/p>\n<p>Dowladda Soomaaliya iyo Masar ayaa horay u sheegay inay ka go\u2019an tahay in la xoojiyo amniga gobolka, gaar ahaan difaaca Badweynta Hindiya iyo Badda Cas oo muhiim u ah ganacsiga dunida.<\/p>\n<p>Ciidamadaasi Masaarida ayaa qeyb ka noqon Howlgalka Xasilinta Soomaaliya ee AUSSOM ee ay qeybta ka yihiin dalalka Afrika.<\/p>\n<p>Howlgalka AUSSOM ayaa wajahaya dhaqaale la\u2019aan baahsan, maadaama dalalkii taageeri jiray ay hoos u dhigeen deeqaha ay ku bixin jireen arrimaha Soomaaliya.<\/p>\n<p><strong>\u00a0Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Odowaa Yuusuf Raage, iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda, ayaa maanta u safray dalka Masar. Wafdigaan ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay Masar kala hadlaan xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya labada dal&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":104780,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104779"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=104779"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104779\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":104781,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104779\/revisions\/104781"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/104780"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=104779"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=104779"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=104779"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}