{"id":104749,"date":"2025-11-29T16:18:04","date_gmt":"2025-11-29T16:18:04","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=104749"},"modified":"2025-11-30T04:21:11","modified_gmt":"2025-11-30T04:21:11","slug":"maxay-yihiin-digniinaha-mareykanka-soo-saarey-ee-saameynaya-soomaalida-ku-nool-dalkaasi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxay-yihiin-digniinaha-mareykanka-soo-saarey-ee-saameynaya-soomaalida-ku-nool-dalkaasi\/","title":{"rendered":"Maxay yihiin digniinaha Mareykanka soo saarey ee saameynaya Soomaalida ku nool dalkaasi?"},"content":{"rendered":"<p>Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka, gaar ahaan Hay\u2019adda La-dagaalanka Dembiyada Maaliyadeed, ayaa soo saartay digniin cusub oo ku saabsan khataraha dhaqaale ee ka imaanaya lacagaha xuduudaha ka gudba, gaar ahaan kuwa ay diraan dadka ku suggan gudaha Mareykanka.<!--\/data\/user\/0\/com.samsung.android.app.notes\/files\/clipdata\/clipdata_bodytext_251130_071841_448.sdocx--><\/p>\n<p>Bayaan ka soo baxay Hay\u2019adda ayaa sheegtay in sanadihii la soo dhaafay ay kordheen lacagaha laga diro xawaaladaha.<\/p>\n<p>Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Maaliyadda iyo Sirdoonka, John K. Hurley, ayaa sheegay in hay\u2019adaha bixiya adeegyada lacag-dhiibista looga baahan yahay inay aad uga feejignaadaan dhaqdhaqaaqyada lacageed ee laga yaabo inay ku lug yeeshaan muhaajiriinta sharci-darrada ah ama shaqsiyaad kale oo halis ku ah amniga qaranka.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan sii wadi doonaa inaan ilaalinno shacabka Mareykanka, annagoo si daacadnimo leh u dhaqan gelinayna shuruucda dalka,\u201d\u00a0ayuu yiri Hurley.<\/p>\n<p>Digniinta ka soo baxday Hay\u2019adda La-dagaalanka Dembiyada Maaliyadeed ayaa lagu xusay in lala socon doono dhaqdhaqaaqyada lacagaha laga shakiyo ee gaaraya ugu yaraan $2,000.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda FinCEN waxay si gaar ah u tilmaantay in khatarta ugu weyn ay tahay in lacagaha loo diro dibadda Mareykanka ee lagu sameeyo waxyaabo ka hor imaanaya danaha dalkaasi.<\/p>\n<p>Hadalka ayaa ku soo aadaya xilli boqolaal Soomaali oo isugu jira kuwa heysta sharci iyo kuwa aan heysan ay ku sugan yihiin gudaha Mareykanka, isla markaasna ay lacago kala duwan u soo diraan dadka ku sugan gudaha dalka.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka, gaar ahaan Hay\u2019adda La-dagaalanka Dembiyada Maaliyadeed, ayaa soo saartay digniin cusub oo ku saabsan khataraha dhaqaale ee ka imaanaya lacagaha xuduudaha ka gudba, gaar ahaan kuwa ay diraan dadka ku suggan gudaha Mareykanka. Bayaan ka soo baxay Hay\u2019adda ayaa sheegtay in sanadihii la soo dhaafay ay kordheen lacagaha laga diro xawaaladaha. Guddoomiye&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":104750,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104749"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=104749"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104749\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":104753,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104749\/revisions\/104753"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/104750"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=104749"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=104749"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=104749"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}