{"id":104716,"date":"2025-11-28T08:18:46","date_gmt":"2025-11-28T08:18:46","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=104716"},"modified":"2025-11-28T08:18:46","modified_gmt":"2025-11-28T08:18:46","slug":"dg-jubbaland-oo-sheegtay-in-ay-dishay-sarkaal-katirsan-as","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/dg-jubbaland-oo-sheegtay-in-ay-dishay-sarkaal-katirsan-as\/","title":{"rendered":"DG Jubbaland oo sheegtay in ay dishay sarkaal katirsan AS"},"content":{"rendered":"<p>Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in ciidanka Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas oo kaashanaya Kumaandooska DANAB ayaa howlgal ay ka sameeyeen Degmada Jamaame lagu dilay sarkaal katirsan \u2018AS\u2019 oo lagu magacaabo Faarax Jibriil iyo 7 kamid ah ilaaladiisa sida hadalka loo dhigay.<\/p>\n<p>War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in xubinta la dilay muddo ay ku raad-joogeen waxaana ugu dambayn maamulkaas shaaciyay in lagu guulaystay in howlgalkaas lagu toogto sida qoraalka lagu sheegay.<\/p>\n<p>Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa tilmaamay in ciidanka DANAB ay si qorsheysan isaga kaashadeen howlgallo kala duwan oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose.<\/p>\n<p>Ilo kala duwan ayaa sheegay in inta howlgalka uu socday uu iska hor imaad kooban dhexmaray ciidamada iskaashanayay ee Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo kuwa DANAB oo dhinac ah iyo xubnaha \u2018AS\u2019 ee howlgalkaas lagu beegsaday.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in ciidanka Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas oo kaashanaya Kumaandooska DANAB ayaa howlgal ay ka sameeyeen Degmada Jamaame lagu dilay sarkaal katirsan \u2018AS\u2019 oo lagu magacaabo Faarax Jibriil iyo 7 kamid ah ilaaladiisa sida hadalka loo dhigay. War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in xubinta la dilay muddo ay ku raad-joogeen waxaana&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":104717,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,78],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104716"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=104716"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104716\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":104718,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104716\/revisions\/104718"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/104717"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=104716"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=104716"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=104716"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}