{"id":104713,"date":"2025-11-28T07:57:08","date_gmt":"2025-11-28T07:57:08","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=104713"},"modified":"2025-11-28T07:57:08","modified_gmt":"2025-11-28T07:57:08","slug":"mw-jfs-oo-culimada-soomaaliyeed-kula-dardaarmay-in-ay-xoojiyaan-iskaashiga-kala-dhaxeeya-dowladda-federaalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/mw-jfs-oo-culimada-soomaaliyeed-kula-dardaarmay-in-ay-xoojiyaan-iskaashiga-kala-dhaxeeya-dowladda-federaalka\/","title":{"rendered":"MW JFS oo Culimada Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay xoojiyaan iskaashiga kala dhaxeeya Dowladda Federaalka"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan casho ah u sameeyay Culimadii ka qaybgashay shirkii 4ta cisho ka socday Muqdisho waxa uu kula dardaarmay in ay xoojiyaan iskaashiga Dowladda &amp; wacyigelinta Bulshada.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa culimada Soomaaliyeed uga mahadceliyay baraarujinta Bulshada, kahortagga afkaaraha Xagjirnimada iyo xoojinta midnimada Ummadda Soomaaliyeed oo ah waajib ay gudanayaan.<\/p>\n<p>Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Culimada ay yihiin haldoorka ku dhex jira Bulshada isla markaana laga dhagaysto waxyaabaha wanaagsan ee ku dayasha mudan sidaas awgeed looga baahan yahay in ay kordhiyaan baraarujinta Dadka.<\/p>\n<p>Dhanka kale waxa uu u sheegay in uu soo dhaweynayo go\u2019aamada kaso baxay shirweynihii 3aad ee Culimada Soomaaliyeed oo kusoo idlaaday Magaalada Muqdisho, talooyinka &amp; go\u2019aannada shirku ay door muuqda ka qaadan doonnaan xoojinta nidaamka Dowladnimada, Ilaalinta qiyamka Diinta Islaamka &amp; kahortagga fikradaha waxa loogu yeero \u2018Argagixisada\u2019 sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan casho ah u sameeyay Culimadii ka qaybgashay shirkii 4ta cisho ka socday Muqdisho waxa uu kula dardaarmay in ay xoojiyaan iskaashiga Dowladda &amp; wacyigelinta Bulshada. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa culimada Soomaaliyeed uga mahadceliyay baraarujinta Bulshada, kahortagga afkaaraha Xagjirnimada iyo xoojinta midnimada Ummadda Soomaaliyeed oo ah&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":104714,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104713"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=104713"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104713\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":104715,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104713\/revisions\/104715"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/104714"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=104713"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=104713"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=104713"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}