{"id":104692,"date":"2025-11-27T11:28:26","date_gmt":"2025-11-27T11:28:26","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=104692"},"modified":"2025-11-27T11:28:26","modified_gmt":"2025-11-27T11:28:26","slug":"ruushka-oo-garab-istaag-u-muujiyay-dalka-nigeria-xilli-weli-ay-taagan-tahay-xiisadda-mareykanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/ruushka-oo-garab-istaag-u-muujiyay-dalka-nigeria-xilli-weli-ay-taagan-tahay-xiisadda-mareykanka\/","title":{"rendered":"Ruushka oo garab istaag u muujiyay dalka Nigeria, xilli weli ay taagan tahay xiisadda Mareykanka"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaar u tahay sidii ay Nigeria uga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, xilli hore Mareykanka u sheegay in farogalin doono dalkaasi.<\/p>\n<p>Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka, Maria Zakharova, ayaa sheegtay in mowqifka Moscow uusan isbedelin, islamarkaana ay u aragto argagixisada khatar caalami ah oo u baahan iskaashi dhow oo lala yeesho beesha caalamka, hay\u2019adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.<\/p>\n<p>Zakharova ayaa caddeysay in Ruushku diyaar u yahay inuu sii wado taageerada uu siiyo Nigeria, iyadoo tilmaantay in ciidamada qalabka sida iyo hay\u2019adaha amniga Nigeria ay leeyihiin khibrad ballaaran oo ay ku xakameeyaan khataraha argagixisada.<\/p>\n<p>Waxay sidoo kale xustay in dadka rayidka ah gaar ahaan haweenka iyo carruurta \u00a0ay weli yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatadu gaarto, iyadoo weerarradu sidoo kale saameeyaan saraakiisha dowladda iyo ciidamada amniga.<\/p>\n<p>Nigeria ayaa weli wajahaysa dagaalka kaga imanaya kooxaha hubeysan ee ay kamid yihiin Boko Haram, oo tan iyo 2002 ka howlgaleysay gobolka Borno, isla markaana weli khatar ku ah amniga inkastoo ay ciidamadu 2015 gaarsiyeen khasaare culus.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaar u tahay sidii ay Nigeria uga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, xilli hore Mareykanka u sheegay in farogalin doono dalkaasi. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka, Maria Zakharova, ayaa sheegtay in mowqifka Moscow uusan isbedelin, islamarkaana ay u aragto argagixisada khatar caalami ah oo u&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":104693,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104692"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=104692"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104692\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":104694,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104692\/revisions\/104694"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/104693"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=104692"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=104692"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=104692"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}