{"id":104680,"date":"2025-11-27T07:04:59","date_gmt":"2025-11-27T07:04:59","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=104680"},"modified":"2025-11-27T07:04:59","modified_gmt":"2025-11-27T07:04:59","slug":"nisa-oo-gacanta-ku-dhigtay-shabakad-ka-kooban-11-ruux","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/nisa-oo-gacanta-ku-dhigtay-shabakad-ka-kooban-11-ruux\/","title":{"rendered":"NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad ka kooban 11 ruux"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka Hay\u2019adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee (NISA) ayaa gacanta ku dhigtay shabakad ka kooban 11 ruux, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay falal amni darro ah ka geysteen magaalada Muqdisho, iyo deegaanno ka tirsan labada Shabeelle.<\/p>\n<p>Warkaan oo ka soo baxay Hay\u2019adda NISA, isla markaan lagu faafiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri, \u201cNISA ayaa gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka kooban ilaa 11 dhagar-qabe, kuwaas oo ku howlanaa falal argagixiso isla markaana ku dhuumaaleysanayay Muqdisho iyo deegaanno ka tirsan Gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.\u201d<\/p>\n<p>Sidoo kale warsaxaafadeedka ka soo baxay Hay\u2019adda ayaa lagu yiri, \u201cDhagar-qabeyaashan ayey Khawaarijtu u soo diyaariyeen inay fuliyaan shirqoollo argagixiso, basaasnimo, iyo inay isku dhex qarin karaan shacabka, Ciidanka Sirdoonka Qaranka oo hayay xogtooda oo dhammeystiran ayaa mid mid u soo qabtay xilli ay qaarkood gacanta kula jireen fal-dambiyeedyo argagixiso.\u201d<\/p>\n<p>NISA ayaa sheegtay in xubnahaan loo gudbin doonaa hay\u2019adaha ku shaqada leh, si looga qaado tallaabada ku habboon. Sidoo kale Hay\u2019adda ayaa muwaadiniinta ugu baaqday in la soo wadaagaan wixii khatar amni oo ay la kulmaan.<\/p>\n<p>Magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku hareersan ayaa laga dareema amni ay kaalin wanaagsan ka qaateen ciidanka amniga gaar ahaan Hay\u2019adda NISA, oo ciidamado ku labisan dareeska Hay\u2019adda lagu arkayay badi waddooyinka caasimadda.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka Hay\u2019adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee (NISA) ayaa gacanta ku dhigtay shabakad ka kooban 11 ruux, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay falal amni darro ah ka geysteen magaalada Muqdisho, iyo deegaanno ka tirsan labada Shabeelle. Warkaan oo ka soo baxay Hay\u2019adda NISA, isla markaan lagu faafiyay warbaahinta dowladda&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":99281,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104680"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=104680"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104680\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":104681,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104680\/revisions\/104681"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/99281"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=104680"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=104680"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=104680"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}