{"id":104589,"date":"2025-11-23T17:03:01","date_gmt":"2025-11-23T17:03:01","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=104589"},"modified":"2025-11-23T17:04:31","modified_gmt":"2025-11-23T17:04:31","slug":"wasiir-cali-balcad-oo-sheegay-in-dowladda-diyaar-u-tahay-in-la-wadaago-dakhliga-nidaamka-e-visa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wasiir-cali-balcad-oo-sheegay-in-dowladda-diyaar-u-tahay-in-la-wadaago-dakhliga-nidaamka-e-visa\/","title":{"rendered":"Wasiir Cali Balcad oo sheegay in Dowladda diyaar u tahay in la wadaago dakhliga nidaamka e-Visa"},"content":{"rendered":"<p>Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamuud Axmed (Cali Balcad), ayaa markii ugu horreysay ka hadlay nidaamka dal-ku-galka elektarooniga ah (e-Visa) ee dowladda Federaalka hirgelisay 1-dii Sebteembar 2025, kaasi oo weli wajahaya tabasho iyo muran siyaasadeed.<\/p>\n<p>Wasiirku wuxuu qiray in Puntland iyo Somaliland ay cabasho ka muujiyeen nidaamka e-Visa, isagoo xusay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay wadahadal iyo in la wadaago dakhliga kasoo xarooda nidaamkan.<\/p>\n<p>Nidaamka e-Visa, oo waajib ku ah qof kasta oo ajnabi ah oo dalka soo galaya, ayaa khidmaddiisu tahay 64 dollar, taas oo si toos ah ugu dhacda qasnadda dhexe ee dowladda.<\/p>\n<p>Cali Balcad ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ogoshahay in la wadaago dhaqaalaha ka soo baxa e-Visa, gaar ahaan marka ay khuseyso duullimaadyada u socda magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe, si loo dhimo tabashooyinka jira loona abuuro hannaan wada shaqeyn oo hufan.<\/p>\n<p>Puntland iyo Somaliland ayaa hore ugu dhawaaqay in aysan aqoonsanayn nidaamka e-Visa, waxayna weli ka qaadaan lacag qof kasta oo ka soo dega garoomada ay maamulaan, taas oo keentay in rakaabku laba jeer bixiyaan lacag kala duwan.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamuud Axmed (Cali Balcad), ayaa markii ugu horreysay ka hadlay nidaamka dal-ku-galka elektarooniga ah (e-Visa) ee dowladda Federaalka hirgelisay 1-dii Sebteembar 2025, kaasi oo weli wajahaya tabasho iyo muran siyaasadeed. Wasiirku wuxuu qiray in Puntland iyo Somaliland ay cabasho ka muujiyeen nidaamka e-Visa, isagoo xusay in dowladda Federaalka ay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":104590,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104589"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=104589"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104589\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":104592,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104589\/revisions\/104592"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/104590"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=104589"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=104589"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=104589"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}