{"id":104503,"date":"2025-11-20T16:53:30","date_gmt":"2025-11-20T16:53:30","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=104503"},"modified":"2025-11-20T20:55:35","modified_gmt":"2025-11-20T20:55:35","slug":"maxay-yihiin-nidaamyada-ay-soo-kordhisay-dowladda-federaalka-ee-e-visa-iyo-ectn","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxay-yihiin-nidaamyada-ay-soo-kordhisay-dowladda-federaalka-ee-e-visa-iyo-ectn\/","title":{"rendered":"Maxay yihiin Nidaamyada ay soo kordhisay Dowladda Federaalka ee E-visa iyo ECTN?"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay labada nidaam ECTN iyo E-Visa, iyadoo arrintaasi sababtay hadal heyn dalka gudahiisa iyo dibadda.<\/p>\n<p>Nidaamyadan cusub ayaa ku waajibinaya dhammaan maraakiibta iyo diyaaradaha imanaya Soomaaliya in ay horey u soo gudbiyaan xogtooda.<\/p>\n<p>Nidaamka ECTN ayaa Dowladda u suurta gelinaya in ay si toos ah u ogaato rarka, halka uu ka soo baxay, iyo waxa saaran ka hor inta uusan markabka soo gaarin dekedaha dalka.<\/p>\n<p>Sidoo kale, falanqeeya dhanka amniga ayaa tilmaamay in Nidaamka ECTN sidoo kale ka hortagayo in dalka soo galo hubka sharci darrada ah iyo weliba Musuqmaasuqa.<\/p>\n<p>Dhanka kale, nidaamka E-Visa ayaa sidoo kale ka shaqeynaya hubinta dadka duulimaadka hawada ku soo galaya dalka gaar ahaan Ajaanibta.<\/p>\n<p>Labadan nidaam ayaa siinaya dowladda xog mideysan, dabagal iyo awood ay ku xoojiso ilaalinta xuduudaha.<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiinta dowladda ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid kor u qaadaysa daahfurnaanta, soo celinaysa kalsoonida caalamiga ah, isla markaana hagaajinaysa maamulka dekedaha iyo garoomada dalka.<\/p>\n<p>Balse waxaa kale ka biyo diidan Somaliland iyo Puntland oo go\u2019aamiyay in markii qofka yimaado deegaannooda la siinayo Fiso, isla markaasna aysan aqoonsaneyn Nidaamka E-visa ee ay soo rogtay Dowladda Federaalka.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay labada nidaam ECTN iyo E-Visa, iyadoo arrintaasi sababtay hadal heyn dalka gudahiisa iyo dibadda. Nidaamyadan cusub ayaa ku waajibinaya dhammaan maraakiibta iyo diyaaradaha imanaya Soomaaliya in ay horey u soo gudbiyaan xogtooda. Nidaamka ECTN ayaa Dowladda u suurta gelinaya in ay si toos ah u ogaato&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":104504,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104503"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=104503"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104503\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":104505,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104503\/revisions\/104505"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/104504"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=104503"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=104503"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=104503"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}