{"id":104496,"date":"2025-11-20T12:56:53","date_gmt":"2025-11-20T12:56:53","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=104496"},"modified":"2025-11-20T12:56:53","modified_gmt":"2025-11-20T12:56:53","slug":"dowladda-soomaaliya-oo-dalka-dib-ugu-soo-celisay-165-dhalinyaro-ku-xirnaa-liibiya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/dowladda-soomaaliya-oo-dalka-dib-ugu-soo-celisay-165-dhalinyaro-ku-xirnaa-liibiya\/","title":{"rendered":"Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay 165 dhalinyaro ku xirnaa Liibiya"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Yurub \u00a0iyo Hay\u2019adda IOM ayaa si wadajir ah ugu suurtageliyay in dalka dib loogu soo celiyo 165 muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xanibnaa dalka Liibiya, halkaas oo ay ku wajahayeen xaalado nololeed oo aad u adag.<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiin ka tirsan dowladda oo warbaahinta kula hadlay Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in dadaal badan iyo wada-shaqeyn xooggan lagu bixiyay badbaadinta iyo keenista dadkaas, kuwaas oo intooda badan ku silcayay xabsiyada iyo xarumaha lagu hayo muhaajiriinta Liibiya.<\/p>\n<p>Dhalinyarrada dalka dib loogu soo celiyay ayaa u mahadceliyay Dowladda Soomaaliya iyo Hay\u2019addaha Caalamiga ah ee gacanta ka geystay soo noqoshadooda.<\/p>\n<p>Warbixinaha rasmiga ah ayaa muujinaya in sanadka 2025 kaliya dalka dib loogu soo celiyay in ka badan 500 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo u badan dhalinyaro ku dhibtooday safarrada tahriibka iyo xarumaha lagu hayo muhaajiriinta.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Yurub \u00a0iyo Hay\u2019adda IOM ayaa si wadajir ah ugu suurtageliyay in dalka dib loogu soo celiyo 165 muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xanibnaa dalka Liibiya, halkaas oo ay ku wajahayeen xaalado nololeed oo aad u adag. Mas\u2019uuliyiin ka tirsan dowladda oo warbaahinta kula hadlay Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in dadaal&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":104497,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104496"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=104496"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104496\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":104498,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104496\/revisions\/104498"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/104497"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=104496"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=104496"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=104496"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}