{"id":104321,"date":"2025-11-15T12:50:01","date_gmt":"2025-11-15T12:50:01","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=104321"},"modified":"2025-11-15T12:50:39","modified_gmt":"2025-11-15T12:50:39","slug":"koofur-galbeed-oo-ku-dhawaaqday-dagaal-ka-dhan-ah-al-shabaab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/koofur-galbeed-oo-ku-dhawaaqday-dagaal-ka-dhan-ah-al-shabaab\/","title":{"rendered":"Koofur Galbeed oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Amniga ee Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray adkeynta ammaanka iyo dardar-gelinta howlaha lagula dagaalamayo Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Shirka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qayb-galay Wasiirrada Amniga iyo Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Madaxtooyada, Taliyeyaasha Ciidanka, iyo saraakiil ka tirsan Howlgalka AUSSOM.<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiintu waxay si qoto dheer uga doodeen xaaladda amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, qorshayaasha horumarineed, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay\u2019adaha amniga.<\/p>\n<p>Madaxweyne Laftagareen ayaa ku dhawaaqay in Koofur Galbeed ay qaadayso dagaal cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab, isaga oo ku boorriyey hay\u2019adaha amniga inay kordhiyaan feejignaanta, lana shaqeeyaan bulshada si loo xaqiijiyo xasillooni waarta.<\/p>\n<p>Wuxuu mahadcelin u diray ciidamada qalabka sida ee howlgalada qorsheysan ka wada gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, kuwaas oo uu ku tilmaamay laf-dhabarta sugidda amniga gobolka.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Amniga ee Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray adkeynta ammaanka iyo dardar-gelinta howlaha lagula dagaalamayo Al-Shabaab. Shirka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qayb-galay Wasiirrada Amniga iyo Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Madaxtooyada, Taliyeyaasha Ciidanka, iyo saraakiil ka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":104322,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,79],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104321"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=104321"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104321\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":104324,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104321\/revisions\/104324"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/104322"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=104321"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=104321"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=104321"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}