{"id":104303,"date":"2025-11-15T06:55:55","date_gmt":"2025-11-15T06:55:55","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=104303"},"modified":"2025-11-15T06:55:55","modified_gmt":"2025-11-15T06:55:55","slug":"dekedda-muqdisho-oo-laga-dhigay-mid-shaqeyneyso-habeen-maalin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/dekedda-muqdisho-oo-laga-dhigay-mid-shaqeyneyso-habeen-maalin\/","title":{"rendered":"Dekedda Muqdisho oo laga dhigay mid shaqeyneyso Habeen &#038; Maalin"},"content":{"rendered":"<p>Dekedda Muqdisho oo muddo fog wixii ka dambeeyay 6da habeennimo joogsan jireen shaqooyinka ka socday ayaa lagu soo kordhiyay in wixii hadda ka dambeeya habeen iyo maalin si isku mid ah u shaqeyso kaddib isbaddel ku yimid sida uu sheegay Wasiirka Dekedaha XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.<\/p>\n<p>Wasiirka waxa uu intaas ku daray in duruufo dhinaca Amniga ah horay loogu joojiyay in Dekedda Habeenkii bannaanka wax looga bixiyo ama loogu keenno inkasta oo shaqada gudaha ay socotay balse isbaddelka dhinaca nabadgalyada lagu go\u2019aansadya in wixii hadda ka dambeeya habeenkii si lamid ah Maalintii looga shaqeeyo.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cWaxaa farxad noo ah in aan ku dhawaaqno in Dekedda Muqdisho caawa wixii ka dambeeya si rasmi ah u bilaabi doonto shaqo xilliyada habeenkii, taasoo ka dhigan in dekeddu bixiso adeeg joogto ah oo aan hakad lahayn. waxaana noo suurta galiyay amniga ka hirgalay caasimadda.\u201d<\/em><\/strong> Ayuu yiri, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuuur.<\/p>\n<p>Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay <strong><em>\u201cShaqeynta 24-ka saac ah waxay keeni doontaa in ay yareyso ciriiriga iyo dib u dhac ku yimaada adeegga maraakiibta, waxay sidoo kale kordhineysaa tartanka ay ku jirto Dekadda ee la xiriira adeegga ay bixiso iyo kordhinta dhakhliga Dowladda. Ganacsatada Soomaaliyeed waxaan ugu bishaaraynaynaa in adeegyada dekeddu hadda noqdeen kuwo joogto ah oo fududeynaya howlaha ganacsiga\u201d<\/em><\/strong>.<\/p>\n<p>Aragtidaan ayuu sheegay in ay ka timid Madaxda sare Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo mas\u2019uuliyiin kale oo soo jeedintaan lahaa kana mid yahay Maareeyaha Dekedda Muqdisho iyada oo dhinacyo badan laga qiimeeyay waqtigaan dheeraad ah ee shaqada Dekedda lagu soo kordhiyay.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cArrintani waxay qeyb ka tahay qorshaha Wasaaradda ee horumarinta Dekadda Muqdisho iyo guud ahaan Dekadaha kale ee Dalka, ee ku salaysan aragtida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo barnaamijka Xukuumadda Danqaran ee uu hoggaamiyo Ra\u2019iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre\u201d<\/em><\/strong> sidaasi waxaa yiri Wasiirka Dekadaha &amp; Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.<\/p>\n<p>Maareeyaha Dekedda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur Ameerika ayaa sheegay in tani ay tahay fursad weyn oo lagu yarayn karo saxmadda ama cariiriga Magaalada ka jira ee Gaadiidka xamuulka qaybta ka ah iyo dhaqaalaha Dowladda kasoo gala Marsadaan uu kordho maadaama saacado dheeraad ah shaqadu socon doonto.<\/p>\n<p>Dekedda Muqdisho waxaa sanadihii u dambeeyay ka socday dib u casriyayn iyo dib u ballaarin si loo kordhiyo qaadka Maraakiibta kusoo xiran tahay marsadaan oo il dhaqaale u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Canshuur badan kasoo gasha badeecadaha ay kala soo degaan Ganacsatada Caasimadda iyo Nawaaxigeeda.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dekedda Muqdisho oo muddo fog wixii ka dambeeyay 6da habeennimo joogsan jireen shaqooyinka ka socday ayaa lagu soo kordhiyay in wixii hadda ka dambeeya habeen iyo maalin si isku mid ah u shaqeyso kaddib isbaddel ku yimid sida uu sheegay Wasiirka Dekedaha XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac. Wasiirka waxa uu intaas ku daray in duruufo&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":104304,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104303"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=104303"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104303\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":104305,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104303\/revisions\/104305"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/104304"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=104303"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=104303"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=104303"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}