{"id":104291,"date":"2025-11-14T09:48:13","date_gmt":"2025-11-14T09:48:13","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=104291"},"modified":"2025-11-14T09:48:13","modified_gmt":"2025-11-14T09:48:13","slug":"safaaradda-maraykanka-ee-soomaaliya-oo-dib-u-billowday-shaqadeeda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/safaaradda-maraykanka-ee-soomaaliya-oo-dib-u-billowday-shaqadeeda\/","title":{"rendered":"Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya oo dib u billowday shaqadeeda"},"content":{"rendered":"<p>Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u billowday howlihii ay ka waday Dalka kaddib markii ay kasoo kabteen hakadkii ugu dheeraa ee taariikhda dalkaas oo saamayn taban ku reebay xafiisyo kala duwan.<\/p>\n<p>Qoraal lagu daabacay barta xiriirka bulshada ee Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in howlihii ay wadeen ee hakadka ku galay dib loo billaabay isla markaana si rasmi ah ay u shaqeynayaan wixii hadda ka dambeeya.<\/p>\n<p>Miisaaniyadda laga jartay xafiisyo kala duwan oo Maraykanka ah ayaa hakad degdeg ah geliyay shaqooyinkii socday, Safaaradda Dalkaas ee Soomaaliya ayaa qayb ka ah dhinacyada saamaynta taban ku reebay xayiraaddaas.<\/p>\n<p>Qoraal isla boggaan lasoo geliyay 1dii bishii hore Oktoobar 2025 ayaa lagu sheegay in aanay xogo lagu daabici Karin ilaa inta dib loo furayo miisaaniyadda Safaaraddu ay ku shaqeyso oo ugu dambayn maanta ku dhawaaqday in ay dib u howl billowday.<\/p>\n<p>Tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu Xafiiska yimid, waxaa hoos u dhacay shaqooyin badan oo ay hayeen hay\u2019ado &amp; safaarado Maraykanka uu leeyahay sababo la xiriira dhaqaalaha ama miisaaniyadda laga gooyay.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u billowday howlihii ay ka waday Dalka kaddib markii ay kasoo kabteen hakadkii ugu dheeraa ee taariikhda dalkaas oo saamayn taban ku reebay xafiisyo kala duwan. Qoraal lagu daabacay barta xiriirka bulshada ee Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in howlihii ay wadeen ee&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":104292,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104291"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=104291"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104291\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":104293,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104291\/revisions\/104293"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/104292"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=104291"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=104291"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=104291"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}