{"id":104133,"date":"2025-11-09T16:54:50","date_gmt":"2025-11-09T16:54:50","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=104133"},"modified":"2025-11-09T17:01:34","modified_gmt":"2025-11-09T17:01:34","slug":"taliska-ciidanka-xoogga-oo-daahfuray-xarruun-laga-hago-howlgallada-ka-dhanka-ah-as","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/taliska-ciidanka-xoogga-oo-daahfuray-xarruun-laga-hago-howlgallada-ka-dhanka-ah-as\/","title":{"rendered":"Taliska Ciidanka Xoogga oo daahfuray xarruun laga hago howlgallada ka dhanka ah AS"},"content":{"rendered":"<p>Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta si rasmi ah u furay xarunta cusub ee Taliska Guutada 6-aad ee hoos timaada Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka, taas oo laga dhisay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.<\/p>\n<p>Xarruuntaan ayaa qorshaha yahay in laga hago howlgalka Ciidamada Xoogga ay ka wadaan gobolka Shabeellada Hoose, kaasi ee ka dhanka ah AS.<\/p>\n<p>Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in dhismahan cusub qeyb ka yahay dib-u-dhiska iyo tayeynta xarumaha talisyada ciidamada, isagoo tilmaamay in ciidanku sii wadi doono dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.<\/p>\n<p><strong>\u201cCiidanka Xoogga Dalka wuxuu ka go\u2019an yahay in la sii xoojiyo amniga, la dhiso xarumo talis oo casri ah, laguna ilaaliyo guulihii la gaaray ee la dagaallanka argagixisada,\u201d<\/strong> ayuu yiri Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.<\/p>\n<p>Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maalmihii la soo dhaafay la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose sida degmada Awdheeglo iyo deegaanno kale.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta si rasmi ah u furay xarunta cusub ee Taliska Guutada 6-aad ee hoos timaada Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka, taas oo laga dhisay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose. Xarruuntaan ayaa qorshaha yahay in laga hago howlgalka Ciidamada Xoogga ay ka wadaan gobolka Shabeellada&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":104134,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,1],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104133"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=104133"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104133\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":104135,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104133\/revisions\/104135"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/104134"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=104133"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=104133"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=104133"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}