{"id":104089,"date":"2025-11-08T09:21:55","date_gmt":"2025-11-08T09:21:55","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=104089"},"modified":"2025-11-08T09:21:55","modified_gmt":"2025-11-08T09:21:55","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-maxamuud-oo-lagu-wado-in-uu-u-safro-dalka-aljeeriya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-maxamuud-oo-lagu-wado-in-uu-u-safro-dalka-aljeeriya\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado in uu u safro Dalka Aljeeriya"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu todobaadkaan tago Dalka Aljeeriya ee dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika, safarkaan ayaa si rasmi ah loo faahfaahin waxaana uu kulamo la qaadan doonnaa madaxda dalkaas.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in dhiggiisa Abdelmadjid Tebboune ay ka wadahadlaan xaaladda labada dal, xiriirka, Iskaashiga iyo danaha ka dhaxeeya, sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ila wareedyo.<\/p>\n<p>Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu wado in uu ku tago dalkaan ayaa uga dhigan in Soomaaliya ay qaanad kuwada hayso dalalka carabta ee ku kala aragtida duwan siyaasadda iyo sida ay wax u socdaan.<\/p>\n<p>Augusta 10, 2025 Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali , oo dalka Aljeeriya kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas Axmed Ataf, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga, waxbarashada, Tababarada Diplomatisiiyiinta, iyo xoolaha.<\/p>\n<p>Labada Wasiir ayaa kulankaas inta uu socday isla gartay in la dhiso guddi heer Wasiir ah oo labada dal ka dhaxeeya, si loo adkeeyo iskaashiga labada dowladood, loona horumariyo xiriirka labada dhinac.<\/p>\n<p>Xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa dhowaan dib usoo laabtay, horraantii sanadkii hore 2024 ayaa dib loo furay safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas, bishii April isla sanadkaan waxaa warqadaha aqoonsiga danjire u gudbiyay Yuusuf Xasan Axmed (Yuusuf Jeego).<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu todobaadkaan tago Dalka Aljeeriya ee dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika, safarkaan ayaa si rasmi ah loo faahfaahin waxaana uu kulamo la qaadan doonnaa madaxda dalkaas. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in dhiggiisa Abdelmadjid Tebboune ay ka wadahadlaan xaaladda labada dal, xiriirka, Iskaashiga&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":92140,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104089"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=104089"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104089\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":104090,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104089\/revisions\/104090"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/92140"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=104089"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=104089"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=104089"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}