{"id":104069,"date":"2025-11-08T05:54:18","date_gmt":"2025-11-08T05:54:18","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=104069"},"modified":"2025-11-08T05:54:18","modified_gmt":"2025-11-08T05:54:18","slug":"koox-burcad-badeed-soomaali-ah-oo-weerartay-markab-shidaal-u-waday-koofur-afrika","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/koox-burcad-badeed-soomaali-ah-oo-weerartay-markab-shidaal-u-waday-koofur-afrika\/","title":{"rendered":"Koox Burcad badeed Soomaali ah oo weerartay Markab Shidaal u waday Koofur Afrika"},"content":{"rendered":"<p>Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Markab lagu magacaabo Hellas Aphrodite ee ka diiwaangashan Jasiiradda Malta isla markaana shidaal u waday Dalka Koofur Afrika in uu weerar kala kulmay kooxo Burcad badeed Soomaali ah.<\/p>\n<p>Sheekadaan oo Warbaahinta qabsatay ayaa la sheegay in kooxdu ay u suuragashay in ay gudaha u gasho Markabka oo marayay meel Biyaha Soomaaliya u jirta ilaa 1,000 KM kana mid ah meelaha aan looga shakin in ay weerarro sidaan oo kale ka dhici karaan.<\/p>\n<p>Kooxda burcadda markii ay gudaha ugu daadatay Markabka waxaa falcelin cajiib ah sameeyay howlwadeennadii la socotay oo galay qaybta badbaadada ee loogu talagalay marka ay halistaan oo kale arkaan ugana badbaadeen kooxihii weeraray.<\/p>\n<p>Rasaas ay ku fureen albaabada casriga ah kooxaha burcadda ah waxaa dhaawac kasoo gaaray mid kamid ah kooxahaas oo ugu dambayn markabkaan shidaalka waday ay ka degeen sida lagu sheegay warbixinno laga qoray.<\/p>\n<p>Howlgalka ATALANTA ee kahortagga Burcad Badeeda ayaa durba kusoo baraarugay halista Kooxahaan maadaama markii labaad ay qaadeen weerarro halis ah oo aan u suuragalin soo qabshada maraakiibtii ay weerareen.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Markab lagu magacaabo Hellas Aphrodite ee ka diiwaangashan Jasiiradda Malta isla markaana shidaal u waday Dalka Koofur Afrika in uu weerar kala kulmay kooxo Burcad badeed Soomaali ah. Sheekadaan oo Warbaahinta qabsatay ayaa la sheegay in kooxdu ay u suuragashay in ay gudaha u gasho Markabka oo marayay meel&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":104070,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104069"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=104069"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104069\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":104071,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104069\/revisions\/104071"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/104070"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=104069"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=104069"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=104069"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}