{"id":103992,"date":"2025-11-05T09:04:25","date_gmt":"2025-11-05T09:04:25","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=103992"},"modified":"2025-11-05T13:42:58","modified_gmt":"2025-11-05T13:42:58","slug":"soomaaliya-oo-ka-qaybgalaysa-shir-looga-hadlayo-arrimaha-xajka-oo-dhacaya-sacuudiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/soomaaliya-oo-ka-qaybgalaysa-shir-looga-hadlayo-arrimaha-xajka-oo-dhacaya-sacuudiga\/","title":{"rendered":"Soomaaliya oo ka qaybgalaysa shir looga hadlayo Arrimaha Xajka oo ka dhacaya Sacuudiga"},"content":{"rendered":"<p>Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa 9ka ilaa 12ka Bishaan waxaa ka dhacaya shir looga hadlayo arrimaha Xajka oo martigelintiisu leeyahay Boqor Salmaan Bin Cabdilcasiis Al-Sacuud sida ay sheegtay Wasaaradda Xajka iyo cumrada Dalkaas.<\/p>\n<p>Waxaa lagu soo bandhigayaa arrimaha Xajka ee 1447 Hijriya, waxaana uu ka qabsoomayaa Magaalada Jiddeh, martida lagu casuumay ayaa la gaarsiiyay martiqaadka iyada oo culimo ka kala socota dalal kala duwan ay shirkaas tagi doonnaan.<\/p>\n<p>Madasha ayaa la isku dhaafsan doonnaa khibradaha, dib u eegista dhaqamada ugu wanaagsan &amp; la jaanqaadka horumarka teknoolajiyadda iyo maamulka si kor loogu qaado tayada adeegyada la siinayo Xujayda.<\/p>\n<p>Soomaaliya ayaa kamid ah Dalalka ka qaybgalaya shirkaan, mas\u2019uuliyiin katirsan Wasaaradda iyo arrimaha Diinta Islaamka ayaa xaadiri doonna madashaan si ay qayb uga noqdaan talo-wadaagga iyo soo jeedinta la is dhaafsanayo.<\/p>\n<p>Isla madasha waxaa lagu soo bandhigi doonnaa waxqabadka App-ka \u2018Nusuk\u2019 oo ah adeeg dhijitaal ah oo ay bixiso Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga, kaas oo loogu talagalay in uu ka caawiyo dadka qorsheynaya gudasha Acmaasha Xajka &amp; Cumrada.<\/p>\n<p>App-kaan waxa uu sameeyay kobac degdeg ah iyada oo ay sii kordhayaan dadka ku xiran oo kor u dhaafay 40 Milyan oo ku kala nool 190 Dal sida ay sheegtay Wasaaradda Xajka &amp; Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa 9ka ilaa 12ka Bishaan waxaa ka dhacaya shir looga hadlayo arrimaha Xajka oo martigelintiisu leeyahay Boqor Salmaan Bin Cabdilcasiis Al-Sacuud sida ay sheegtay Wasaaradda Xajka iyo cumrada Dalkaas. Waxaa lagu soo bandhigayaa arrimaha Xajka ee 1447 Hijriya, waxaana uu ka qabsoomayaa Magaalada Jiddeh, martida lagu casuumay ayaa la gaarsiiyay martiqaadka iyada&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":103993,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/103992"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=103992"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/103992\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":104001,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/103992\/revisions\/104001"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/103993"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=103992"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=103992"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=103992"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}