{"id":103740,"date":"2025-10-28T13:33:16","date_gmt":"2025-10-28T13:33:16","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=103740"},"modified":"2025-10-28T13:33:16","modified_gmt":"2025-10-28T13:33:16","slug":"turkiga-oo-soo-bandhigay-taangiga-casriga-ee-altay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/turkiga-oo-soo-bandhigay-taangiga-casriga-ee-altay\/","title":{"rendered":"Turkiga oo soo bandhigay taangiga casriga ee Altay"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u soo bandhigtay taangiyada casriga ah ee Altay, kuwaas oo lagu wareejin doono Ciidanka Qalabka Sida ee Turkiga oo ah xubin ka ah gaashaanbuurta NATO.<\/p>\n<p>Munaasabadda lagu soo bandhigayo taangiyada Altay ayaa lagu qaban doona caasimadda Ankara, waxaana ka soo qaybgalaya Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdo\u011fan, kaas oo sidoo kale rasmiya u furay xarunta warshadeynta hubka casriga ah ee Turkiga.<\/p>\n<p>Madaxweyne Erdo\u011fan ayaa hore u sheegay in dalkiisa gaari doono Madaxbanaani hubka iyo tignoolajiyadda casriga.<\/p>\n<p>Taangiga Altay, oo loogu magac daray Fahrettin Altay taliyihii 5aad ee Ciidanka Fardaha Turkiga ee qabsaday magaalada Izmir, xilligii ay socdeen dagaallada Xornimo doonka.<\/p>\n<p>Taangiga Altay waxaa si buuxda u horumariyay injineerro Turki ah, waxaa lagu qalabeeyay tignoolajiyo sare, nidaamyo difaac iyo awood xoog leh, taas oo ka dhigaysa mid la tartami kara taangiyada ugu awoodda badan ee difaaca caalamka.<\/p>\n<p>Turkiga ayaa sanadihii la soo dhaafay waday sare u qaadida awooddiisa dhinaca difaaca, wuxuuna hore u soo kordhiyay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Bayrakdar iyo agab kale oo casri ah.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u soo bandhigtay taangiyada casriga ah ee Altay, kuwaas oo lagu wareejin doono Ciidanka Qalabka Sida ee Turkiga oo ah xubin ka ah gaashaanbuurta NATO. Munaasabadda lagu soo bandhigayo taangiyada Altay ayaa lagu qaban doona caasimadda Ankara, waxaana ka soo qaybgalaya Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdo\u011fan,&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":103741,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/103740"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=103740"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/103740\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":103742,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/103740\/revisions\/103742"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/103741"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=103740"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=103740"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=103740"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}