{"id":103699,"date":"2025-10-27T12:02:20","date_gmt":"2025-10-27T12:02:20","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=103699"},"modified":"2025-10-27T12:02:20","modified_gmt":"2025-10-27T12:02:20","slug":"xildhibaannada-katirsan-madasha-samatabixinta-oo-laga-dhex-baafiyay-fadhiga-golaha-shacabka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/xildhibaannada-katirsan-madasha-samatabixinta-oo-laga-dhex-baafiyay-fadhiga-golaha-shacabka\/","title":{"rendered":"Xildhibaannada katirsan Madasha Samatabixinta oo laga dhex baafiyay Fadhiga Golaha Shacabka."},"content":{"rendered":"<p>Xildhibaannada xubnaha ka ah Madasha Samatabixinta ee fadhiyada Golaha Shacabka ka maqan ayaa maanta magacyadooda laga dhex sheegay fadhiga golahaas maadaama guddoonku uu horay u sheegay in uu shaacin doonno magacyada mudaneyaasha bilaa fasaxa maqan.<\/p>\n<p>Habdhowraha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa Xildhibaannadii joogay fadhiga maanta kahor aqriyay Magacyada mudaneyaasha maqan.<\/p>\n<p>Xubnaha la sheegay ee Golaha Samatabixinta &amp; Mucaaradka katirsan waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdulqaadir Cali Cosoble, Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Nuur Jiley &amp; kuwo kale.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Xildhibaannada bilaa fasaxa maqan ugu baaqay in ay fadhiga soo xaadiraan si ay u gutaan waajibka saaran.<\/p>\n<p>Todobaadkii hore waxa uu fadhiga Golaha Shacabka Baarlamaanka muddo labo jeer ah u baaqday Kooram la\u2019aan maadaama uu ku furmayo 139-Xildhibaan sida uu dhigayo xeer-hoosaadka uu ku shaqeeyo.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xildhibaannada xubnaha ka ah Madasha Samatabixinta ee fadhiyada Golaha Shacabka ka maqan ayaa maanta magacyadooda laga dhex sheegay fadhiga golahaas maadaama guddoonku uu horay u sheegay in uu shaacin doonno magacyada mudaneyaasha bilaa fasaxa maqan. Habdhowraha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa Xildhibaannadii joogay fadhiga maanta kahor aqriyay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":98321,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/103699"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=103699"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/103699\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":103702,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/103699\/revisions\/103702"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/98321"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=103699"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=103699"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=103699"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}