{"id":103641,"date":"2025-10-26T05:38:52","date_gmt":"2025-10-26T05:38:52","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=103641"},"modified":"2025-10-26T05:38:52","modified_gmt":"2025-10-26T05:38:52","slug":"bulshada-rayidka-oo-ku-baaqday-in-la-qabto-doorashooyinka-dowlad-goboleedyada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/bulshada-rayidka-oo-ku-baaqday-in-la-qabto-doorashooyinka-dowlad-goboleedyada\/","title":{"rendered":"Bulshada Rayidka oo ku baaqday in la qabto Doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada"},"content":{"rendered":"<p>Warsaxaafadeed ka soo baxay Bulshada Rayidka ayaa lagu sheegay sii socoshada dib u dhaca doorashooyinka maamul goboleedyada qaarkood ay tahay mid lid ku ah dimuqraadiyada iyo dowlad wanaagga sidaas awgeed loo baahan yahay in la qabto Doorashooyinkaas.<\/p>\n<p>Bayaanka ayaa intaas lagu daray in Doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada ay muhiim u yihiin hannaanka geeddi socodka siyaasadda Dalka, maadaama dhabbahaas keliya lagu gaari karo xalka siyaasadeed sida hadalka loo dhigay.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cBulshada rayidka waxa ay u aragtaa sii socoshada dib u dhaca doorashooyinka maamul goboleedyada qaarkood mid lid ku ah dimuqraadiyada iyo dowlad wanaagga. Sidaas darteed, waxa ay ku baaqeysaa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashooyinka dowlad goboleedyada\u201d<\/em><\/strong> ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Bulshada Rayidka.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Bulshada Rayidka ayaa taageertay Doorashooyinka Dadweyne ee Dowladaha Hoose Gobolka Banaadir lana filayo in ay dhacdo dhammaadka bisha soo socota Nofeembar, bayaanka ayaa lagu muujiyay in ay garab taagan tahay hirgelinta Doorashooyinkaas.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cBulshada rayidka waxa ay soo dhaweeneysaa doorashooyinka la filaayo in laga hirgeliyo gobolka Banadir, taasoo ay u aragto mid muhiim u ah in dadka ku nool degmooyinka gobolka Banadir ay doortaan gole deegaan oo u fuliya adeegyada ay u baahan yihiin. Bulshada rayidka waxa ay gacan ka geysan doontaa hirgelinta doorashooyinka golayaasha deegaanka iyagoo qaban doono wacyigelin iyo kor joogteyn ku aaddan doorashooyinka\u201d<\/em><\/strong> ayaa la sii raacayay Warsaxaafadeedka Bulshada Rayidka.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Warsaxaafadeed ka soo baxay Bulshada Rayidka ayaa lagu sheegay sii socoshada dib u dhaca doorashooyinka maamul goboleedyada qaarkood ay tahay mid lid ku ah dimuqraadiyada iyo dowlad wanaagga sidaas awgeed loo baahan yahay in la qabto Doorashooyinkaas. Bayaanka ayaa intaas lagu daray in Doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada ay muhiim u yihiin hannaanka geeddi socodka siyaasadda Dalka, maadaama&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":103642,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/103641"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=103641"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/103641\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":103643,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/103641\/revisions\/103643"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/103642"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=103641"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=103641"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=103641"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}