{"id":103639,"date":"2025-10-26T05:11:34","date_gmt":"2025-10-26T05:11:34","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=103639"},"modified":"2025-10-26T05:11:34","modified_gmt":"2025-10-26T05:11:34","slug":"hayadaha-ammaanka-dfs-oo-gacanta-ku-dhigay-kooxo-dad-ku-dhacay-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/hayadaha-ammaanka-dfs-oo-gacanta-ku-dhigay-kooxo-dad-ku-dhacay-muqdisho\/","title":{"rendered":"Hay\u2019adaha ammaanka DFS oo gacanta ku dhigay Kooxo Dad ku dhacay Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p>Hay\u2019adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgallo ka dhacay degmooyinka Gobolka Banaadir in ay kusoo qabteen kooxo burcad ah oo dadka rayidka ah dhac u gaysanaysay kuwaas oo loo gudbinayo Maxkamad.<\/p>\n<p>Howlgalkaan oo si gaar ah u fuliyeen ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir waxaa howlgalka kaddib lasoo bandhigay Ragga la qabtay ee dhaca gaysanayay oo qaarkood hubaysnaa iyo waxyaabihii ay dhaceen.<\/p>\n<p>Taliska qaybta Booliiska Gobolka Banaadir ayaa digniin u diray kooxaha dhaca ka gaysta Magaalada Muqdisho, waxa uu ku hanjabay in uu gacan adag ku qabanayo isla markaana la maxkamadayn doonno si loogu qaado ciqaabta dambiga ay gaysteen.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sare u qaadday adkaynta amniga, waxa ay kordhisay goobaha lagu hubiyo Gaadiidka iyo Dadka saaran, halka Xaafadaha Magaalada Muqdisho laga sameeyay goobo lagu baaro Gawaarida.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hay\u2019adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgallo ka dhacay degmooyinka Gobolka Banaadir in ay kusoo qabteen kooxo burcad ah oo dadka rayidka ah dhac u gaysanaysay kuwaas oo loo gudbinayo Maxkamad. Howlgalkaan oo si gaar ah u fuliyeen ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir waxaa howlgalka kaddib lasoo bandhigay Ragga la qabtay ee dhaca gaysanayay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":64564,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/103639"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=103639"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/103639\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":103640,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/103639\/revisions\/103640"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/64564"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=103639"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=103639"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=103639"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}