{"id":102727,"date":"2025-09-29T12:01:17","date_gmt":"2025-09-29T11:01:17","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=102727"},"modified":"2025-09-30T09:04:14","modified_gmt":"2025-09-30T08:04:14","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-maxamuud-oo-kismaayo-ku-wajahan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-maxamuud-oo-kismaayo-ku-wajahan\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Kismaayo ku wajahan"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan Magaalada Kismaayo xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo wareedyo ku dhow safarkiisa.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kawada hadlay khilaafkii ka dhex jiray, waxa ay ka gaareen heshiis sida xogaha la helayo sheegayaan.<\/p>\n<p>Si loo dhaqangeliyo heshiiskaas ayuu Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u tagayaa Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose oo dhanka kale xarun kumeel-gaar u ah Dowlad-Goboleedka Jubbaland.<\/p>\n<p>Waraysi uu dhowaan bixiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo wax looga weydiiyay arrinta Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxa uu sheegay in aanay xirmin albaabada wadahadalka isla markaana mar weliba uu tagi karo Kismaayo sidoo kalena Axmed Madoobe Muqdisho imaan karo.<\/p>\n<p>Arrintaan ayaa kusoo beegmaysa iyada oo wadahadal uu shalay dhexmaray Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo isku afgartay dhowr qodob.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan Magaalada Kismaayo xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo wareedyo ku dhow safarkiisa. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kawada hadlay khilaafkii ka dhex jiray, waxa ay ka gaareen heshiis sida xogaha&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":102748,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,78,1],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102727"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=102727"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102727\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":102749,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102727\/revisions\/102749"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/102748"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=102727"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=102727"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=102727"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}