{"id":102653,"date":"2025-09-26T11:49:31","date_gmt":"2025-09-26T10:49:31","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=102653"},"modified":"2025-09-26T11:49:31","modified_gmt":"2025-09-26T10:49:31","slug":"sergio-busquets-oo-ku-dhawaaqay-in-uu-gabi-ahaan-isaga-fadhiisanayo-kubadda-cagta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/sergio-busquets-oo-ku-dhawaaqay-in-uu-gabi-ahaan-isaga-fadhiisanayo-kubadda-cagta\/","title":{"rendered":"Sergio Busquets oo ku dhawaaqay in uu gabi ahaan isaga fadhiisanayo kubadda Cagta"},"content":{"rendered":"<p>Ciyaaryahanka Khadka Dhexe ee Xulka Spain Sergio Busquets ayaa ku dhawaaqay in uu dhowaan isaga fadhiisanayo Kubadda Cagta, waa 37 jir muddo kusoo xamaanayay qaybta dhexe ee safka kooxihiisa Barcelona &amp; Inter Miami oo lagu daray xulkiisa.<\/p>\n<p>Waxa uu ku guulaystay 9 Horyaal oo La liga ah, 3 Champions League, 7 Koobka boqorka ee Del Rey, 7 Supercopa de Espana, 3 Koob oo ah Club World Cup, 3 UEFA Super Cup, 1 Euro oo xulkiisa la qaaday iyo 1 koob adduun oo isla Spain la hantiyay.<\/p>\n<p>Busquets waxa uu safka hora uga jiraa marka lasoo hadal qaado ciyaartoyda khadka dhexe ee nambarka 6aad ka dheela, waa kubad burburiyo, sharaxe iyo fursad abuure, xitaa mararka qaar goolal ayuu dhalin jiray ciyaaryahankaan.<\/p>\n<p>Waxa uu kamid ahaa safka Kooxda Barcelona ugu fiican ee soo maray waa marka la eego Tika Tako oo ah kubad haysasho ku siman ciyaartoy isku koox ah iyada oo marba dhinac loo gaddinayo isla markaana ciyaaryahanka uu boos u qaadanayo.<\/p>\n<p>Sergio Busquets waxa uu kamid yahay ciyaartoyda afka gaaban balse xirfaddooda kubadda xoogga saara, Macallimiintii soo tababartay waxa ay ku sheegeen in xitaa uusan ku badnayn isticmaalka baraha Bulshada si lamid ah Ciyaartoyda kale.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ciyaaryahanka Khadka Dhexe ee Xulka Spain Sergio Busquets ayaa ku dhawaaqay in uu dhowaan isaga fadhiisanayo Kubadda Cagta, waa 37 jir muddo kusoo xamaanayay qaybta dhexe ee safka kooxihiisa Barcelona &amp; Inter Miami oo lagu daray xulkiisa. Waxa uu ku guulaystay 9 Horyaal oo La liga ah, 3 Champions League, 7 Koobka boqorka ee Del&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":102654,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[47,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102653"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=102653"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102653\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":102655,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102653\/revisions\/102655"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/102654"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=102653"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=102653"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=102653"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}