{"id":102631,"date":"2025-09-25T15:40:04","date_gmt":"2025-09-25T14:40:04","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=102631"},"modified":"2025-09-25T15:40:04","modified_gmt":"2025-09-25T14:40:04","slug":"ku-simaha-madaxweynaha-oo-ka-digay-dhaqdhaqaaqyada-mucaaradka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/ku-simaha-madaxweynaha-oo-ka-digay-dhaqdhaqaaqyada-mucaaradka\/","title":{"rendered":"Ku simaha Madaxweynaha oo ka digay dhaqdhaqaaqyada Mucaaradka"},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-size: medium;\">Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta gaaray saldhigga degmada Wartanabada, halkaas oo shalay ay is-rasaaseyn ku dhexmartay ciidamo ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir iyo xubno mucaarad ah.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: medium;\">Guddoomiyaha ayaa ku tilmaamay dhacdada mid laga xumaado, isaga oo ku baaqay in cidda masuul ka ah falkii shalay dhacay ay qaadato mas\u2019uuliyadda. <\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: medium;\">Wuxuu intaa ku daray in loo baahan yahay baaritaan dhab ah oo lagu sameeyo dhacdadii ka dhacday suuqa Siinaay, halkaas oo ciidamo boolis ah lagu eedeeyay inay jirdil u geysteen dad rayid ah.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: medium;\">Sheekh Aadan Madoobe ayaa ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ugu baaqay inay adkeeyaan sugidda amniga caasimadda, si looga hortago falal carqaladeeya xasilloonida iyo amniga bulshada.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: medium;\">Ku simaha Madaxweynaha JFS ayaa isagoo ka hadlaya xaaladda saldhigga Wartanabada yiri<\/span> <strong><span style=\"font-size: medium;\">\u201cXabadaha aan saldhiga ku arkay xitaa waa ka weyn yihiin kuwii dagaallada sokeeye, waan ka xumahay.\u201d<\/span><\/strong><\/p>\n<p><strong><span style=\"font-size: medium;\">Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara hurin colaadeed <\/span><\/strong><strong><span style=\"font-size: medium;\">\u201cWaxaan ka digayaa abaabulka socda iyo in shacabka lagu dhiirigaliyo dhibaato kale oo dhacda, waan ka xumahay taasi\u201d<\/span><\/strong><\/p>\n<p><strong><span style=\"font-size: medium;\">Mustaqbal<br \/>\n<\/span><\/strong><\/p>\n<p><strong><span style=\"font-size: medium;\"><br \/>\n<\/span><\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong><span style=\"font-size: large;\"><br \/>\n<\/span><\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta gaaray saldhigga degmada Wartanabada, halkaas oo shalay ay is-rasaaseyn ku dhexmartay ciidamo ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir iyo xubno mucaarad ah. Guddoomiyaha ayaa ku tilmaamay dhacdada mid laga xumaado, isaga oo ku baaqay in cidda masuul ka ah falkii shalay dhacay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":102632,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102631"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=102631"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102631\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":102633,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102631\/revisions\/102633"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/102632"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=102631"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=102631"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=102631"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}