{"id":102604,"date":"2025-09-25T04:01:05","date_gmt":"2025-09-25T03:01:05","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=102604"},"modified":"2025-09-25T04:01:51","modified_gmt":"2025-09-25T03:01:51","slug":"madaxweyne-xasan-shiikh-oo-kulamo-ka-wada-newyork","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/madaxweyne-xasan-shiikh-oo-kulamo-ka-wada-newyork\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Shiikh oo Newyork kula kulmay Dhaxal Sugaha Kuwait"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Dhaxal-sugaha dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax, xilli uu socdo shirka 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee Arrimaha Amniga iyo dhaqaalaha, gaar ahaan taageerada Soomaaliya ee maalgalinta iyo mashaariicda.<\/p>\n<p><strong>\u201cKulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Kuwait, iyo sahminta fursado cusub oo iskaashi ah oo wax tar u leh labada dal iyo shacabka walaalaha ah.\u201d<\/strong> ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia<\/p>\n<p>Labada dhinac ayaa isla gartay in la sii adkeeyo wada shaqeynta iyo in la horumariyo fursadaha iskaashiga ee dhinacyada kala duwan.<\/p>\n<p>Waa kulankii labaad ee maalmo gudahood yeeshaan Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhaxal Sugaha Kuwait, is arragii koowaad ayaa qabsoomay intii uu socday Shirkii Dooxa.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Dhaxal-sugaha dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax, xilli uu socdo shirka 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee Arrimaha Amniga iyo dhaqaalaha, gaar ahaan taageerada Soomaaliya ee maalgalinta iyo mashaariicda. \u201cKulanka waxaa&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":102605,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102604"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=102604"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102604\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":102607,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102604\/revisions\/102607"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/102605"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=102604"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=102604"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=102604"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}