{"id":102546,"date":"2025-09-23T09:45:55","date_gmt":"2025-09-23T08:45:55","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=102546"},"modified":"2025-09-23T09:45:55","modified_gmt":"2025-09-23T08:45:55","slug":"dfs-oo-dalka-dib-ugu-soo-celisay-173-ruux-oo-laga-soo-daayay-xabsiyada-liibiya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/dfs-oo-dalka-dib-ugu-soo-celisay-173-ruux-oo-laga-soo-daayay-xabsiyada-liibiya\/","title":{"rendered":"DFS oo dalka dib ugu soo celisay 173 ruux oo laga soo daayay Xabsiyada Liibiya"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 173 ruux oo u badan Dhallinyaro kuwaas oo ku xirnaa Xabsiyada ku yaalla Liibiya, mas\u2019uuliyiin kala darajo duwan ayaa kusoo dhaweysay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Soo qaadista dhallinyaradaan waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gacansiiyay Midowga Yurub &amp; Hay\u2019adda Socdaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan ee IOM, waxaa ka horreeyay dufcooyin kale oo dalka dib loogu soo celiyay waqtiyo kala fog.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare ku xigeenka Labaad ee Dalka, mas\u2019uuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo madax ka socotay Xafiiska Ergayga gaarka ah Madaxweynaha JFS u qaabilsan soocelinta muhaajiriinta iyo xuquuqda Carruurta ayaa goobta ku sugnaa.<\/p>\n<p>22 kamid ah Dadka lasoo celiyay waxaa laga dejiyay Magaalada Hargaysa, halka 151 kale lagu reebay Magaalada Muqdisho, Hay\u2019adda Socdaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan ee loosoo gaabiyo IOM ayaa bogaadisay tallaabadaan.<\/p>\n<p>Inta badan dhallinyarada Tahriibka u aadda Dalka Liibiya waxa ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan iyada oo ehelkooda laga qaato lacago madax-furasho ah, waxaa intaas u dheer halista badda ay marayaan oo suuragal ah in ay naftooda ku waayaan.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 173 ruux oo u badan Dhallinyaro kuwaas oo ku xirnaa Xabsiyada ku yaalla Liibiya, mas\u2019uuliyiin kala darajo duwan ayaa kusoo dhaweysay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Soo qaadista dhallinyaradaan waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gacansiiyay Midowga Yurub &amp; Hay\u2019adda Socdaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":102547,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102546"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=102546"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102546\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":102548,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102546\/revisions\/102548"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/102547"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=102546"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=102546"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=102546"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}