{"id":102419,"date":"2025-09-19T08:39:07","date_gmt":"2025-09-19T07:39:07","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=102419"},"modified":"2025-09-19T08:39:07","modified_gmt":"2025-09-19T07:39:07","slug":"maraykanka-oo-golaha-ammaanka-kahor-istaagay-goaanka-xabad-joojinta-gaza","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maraykanka-oo-golaha-ammaanka-kahor-istaagay-goaanka-xabad-joojinta-gaza\/","title":{"rendered":"Maraykanka oo Golaha Ammaanka kahor istaagay go\u2019aanka Xabad-joojinta Gaza"},"content":{"rendered":"<p>Maraykanka ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kahor istaagay qaraarka lagu dhaqangelinayo xabbad-joojin ka dhaqangasha Magaalada Gaza kaddib markii 14 xubnood ay isku raaceen qaraarkaas balse Washington ay adeegsatay awoodda Diidmada qayaxan.<\/p>\n<p>Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay ayaa gacanta u taagtay diidmada dalkeeda ee soo afjaridda colaadda Gaza iyada oo meesha laga saarayo xaaladaha adag ay wajahayaan Dadka rayidka ah ee Israa\u2019iil duqaymaya ku beegsanayaan.<\/p>\n<p>Maraykanka oo faah-faahin ka bixiyay go\u2019aanka diidmada ee qaraarka Golaha Ammaanka waxa uu sheegay in Goluhu aan caddayn in ay \u2018Israa\u2019iil xaq u leedahay is difaacid iyo in aan la cambaarayn tallaabooyinka Xamaas\u2019 sida hadalka loo dhigay.<\/p>\n<p>Dalal badan ayaa soo jeedinta Maraykanka ee labadaas qodob ku tilmaamay kuwa muujinaya fashilka siyaasadeed ee Israa\u2019iil oo xadgudub ka gaysatay Bariga Dhexe, waxa ay intaas ku dareen in aan la daawan Karin waxa ka socda Gaza.<\/p>\n<p>Safiirka Aljeeriya ee Qaramada Midoobay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in reer Gaza ay nabad iyo cuntaba ku waayeen diidmada Maraykanka oo iska dhigaya in uu dhexdhexaad ka yahay xaaladda ka taagan Magaaladaas.<\/p>\n<p>Soomaaliya oo kamid ah 15ka Dal ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa horay u caddaysay codkeeda, waxa ay si aan ka gambasho lahayn u sheegtay in ay dhinac taagan tahay reer Gaza una baahan yihiin nabad, gargaar bani aadamnimo &amp; xasilooni waarta.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maraykanka ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kahor istaagay qaraarka lagu dhaqangelinayo xabbad-joojin ka dhaqangasha Magaalada Gaza kaddib markii 14 xubnood ay isku raaceen qaraarkaas balse Washington ay adeegsatay awoodda Diidmada qayaxan. Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay ayaa gacanta u taagtay diidmada dalkeeda ee soo afjaridda colaadda Gaza iyada oo meesha laga saarayo xaaladaha adag&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":102420,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102419"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=102419"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102419\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":102421,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102419\/revisions\/102421"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/102420"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=102419"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=102419"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=102419"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}