{"id":102403,"date":"2025-09-18T15:22:29","date_gmt":"2025-09-18T14:22:29","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=102403"},"modified":"2025-09-19T09:58:29","modified_gmt":"2025-09-19T08:58:29","slug":"soomaaliya-oo-ku-dadaaleysa-mid-noqoshada-shabakadaha-isgaarsiinta-isku-xiran-ee-geeska-afrika","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/soomaaliya-oo-ku-dadaaleysa-mid-noqoshada-shabakadaha-isgaarsiinta-isku-xiran-ee-geeska-afrika\/","title":{"rendered":"Soomaaliya oo ku dadaaleysa ka mid noqoshada Shabakadaha Isgaarsiinta isku xiran ee Geeska Afrika"},"content":{"rendered":"<p>Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa qabatay kulan wada-tashi ah oo diirada lagu saarey sidii Soomaaliya uga mid noqon lahayd Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika, si dalka looga faa\u2019iideeyo is-dhexgalka dhijitaalka ah ee Bulshada Bariga Afrika.<\/p>\n<p>Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa waxaa ka soo qayb galay mas\u2019uuliyiin ka socday shirkadaha isgaarsiinta, iyadoo lagu dhageystay talooyin iyo warbixino ku saabsan kaalinta Soomaaliya ay ka qaadan karto Shabakadda ONA iyo faa\u2019iidada uu dalka u leeyahay.<\/p>\n<p>Maareeyaha Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasin Sheekh, oo furay kulanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay dan weyn ugu jirto ku biirista shabakadda, taas oo gacan ka geysan doonta dhimista kharashyada adeegga moobaylka.<\/p>\n<p><strong>\u201cKu biirista Soomaaliya ee Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran waxay ka dhigan tahay dhimista kharashaadka adeegga roaming-ka, kobcinta isku-xirnaanta bulshada Bariga Afrika, taageeridda isbeddelkeenna dhijitaalka ah, iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka,\u201d<\/strong> ayuu yiri Maareeye Mustafa Yaasin Sheekh.<\/p>\n<p>Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay Qorshaha Qaranka ee Soomaaliya ee ku biirista ONA, kaas oo diiradda saaraya waafajinta sharciyada iyo canshuuraha gudaha heerarka gobolka.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka iyo shirkadaha isgaarsiinta ayaa adkeeyay in lagu dadaalo tayada adeegyada isgaarsiinta dalka.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone wp-image-102405\" src=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/09\/1111111111111111111111111111111111-scaled.jpg\" alt=\"\" width=\"1062\" height=\"689\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/09\/1111111111111111111111111111111111-scaled.jpg 2560w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/09\/1111111111111111111111111111111111-300x195.jpg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/09\/1111111111111111111111111111111111-1024x665.jpg 1024w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/09\/1111111111111111111111111111111111-768x498.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/09\/1111111111111111111111111111111111-1536x997.jpg 1536w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/09\/1111111111111111111111111111111111-2048x1329.jpg 2048w\" sizes=\"(max-width: 1062px) 100vw, 1062px\" \/><\/p>\n<p>Adeegyada ay Soomaaliya ka faa\u2019iidi doonto Shabakadda Isku-xiran ee Geeska Afrika waxaa ka mid ah in muwaadiniintu marka ay dalka ka baxaan ay weli adeegsan karaan nambarkooda iyaga oo aan beddelin, isla markaana heli karaan wicitaanno, Farriimaha SMS-ka\u00a0 iyo adeegyada internet-ka<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa qabatay kulan wada-tashi ah oo diirada lagu saarey sidii Soomaaliya uga mid noqon lahayd Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika, si dalka looga faa\u2019iideeyo is-dhexgalka dhijitaalka ah ee Bulshada Bariga Afrika. Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa waxaa ka soo qayb galay mas\u2019uuliyiin ka socday shirkadaha isgaarsiinta, iyadoo&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":102404,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,1],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102403"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=102403"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102403\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":102422,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102403\/revisions\/102422"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/102404"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=102403"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=102403"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=102403"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}