{"id":102399,"date":"2025-09-18T14:15:44","date_gmt":"2025-09-18T13:15:44","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=102399"},"modified":"2025-09-18T14:15:44","modified_gmt":"2025-09-18T13:15:44","slug":"turkish-airlines-oo-29-bilood-ka-dib-billowday-duulimaadyadii-tooska-ah-ee-suudaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/turkish-airlines-oo-29-bilood-ka-dib-billowday-duulimaadyadii-tooska-ah-ee-suudaan\/","title":{"rendered":"Turkish Airlines oo 29 bilood ka dib billowday duulimaadyadii tooska ah ee Suudaan"},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-size: medium;\">Turkish Airlines ayaa 29 bilood ka dib billowday duulimaadyadii tooska ahaa ee ay ku tagi jirtay dalka Suudaan, tillaabadaasi oo ay soo dhoweeyeen shacabka iyo dowladda oo xilli adag ku jira.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: medium;\">Munaasabadda lagu daahfuray duulimaadyada ayaa waxaa ka qeyb galay madax sare oo ka kala tirsan dowladaha Suudaan iyo Turkiga, iyadoo lagu boggaadiyay go\u2019aanka geesinimada leh.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: medium;\">Safaaradda T\u00fcrkiye ee Suudaan ayaa ku dhawaaqday dib u bilaabashada duulimaadyada soo hadda ka degaya magaalada Port Sudan oo ah dekedda ugu weyn dalka.<\/span><\/p>\n<p>\u201c<span style=\"font-size: medium;\"><b>Duulimaadyadan waxaan mar kale ku muujinay in shacabka Turkiga iyo dowladda T\u00fcrkiye ay garab taagan yihiin saaxiibadooda xilliyada adag,\u201d <\/b>ayuu yiri Danjire Fatih Yildiz.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: medium;\">Danjiraha oo sii hadlaya ayaa sheegay in tillaabadani ay tahay farriin cad oo uu Turkiga u diray Dunida oo ah in Suudaan aysan go\u2019doonsanaan doonin.<\/span><\/p>\n<p>\u201c<span style=\"font-size: medium;\"><b>Tani waa farriin cad oo muujineysa in Suudaan aysan kaligeed ahayn, isla markaana aan saaxiibadeena la go\u2019doomin karin\u201d ayuu yiri Danjiraha Turkiga ee Suudaan. <\/b><\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: medium;\"><b>Isagoo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri <\/b>\u201cTurkish Airlines waa tiir muhiim u ah siyaasadda iyo diblomaasiyadda arrimaha dibadda ee T\u00fcrkiye,\u201d <\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: medium;\">Dib u bilaabashada duulimaadyada ee Turkish Airline ayaa ka dhigan in go\u2019doonka laga qaaday Shacabka Suudaan ee mudada dheer wajahayay culeysyada dhinaca socdaalka.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: medium;\">Diyaaradan Turkish Airline ayaa duulimaadyo ku tagta 63 magaalo oo ku yaalla Qaaradda Afrika.<\/span><\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Turkish Airlines ayaa 29 bilood ka dib billowday duulimaadyadii tooska ahaa ee ay ku tagi jirtay dalka Suudaan, tillaabadaasi oo ay soo dhoweeyeen shacabka iyo dowladda oo xilli adag ku jira. Munaasabadda lagu daahfuray duulimaadyada ayaa waxaa ka qeyb galay madax sare oo ka kala tirsan dowladaha Suudaan iyo Turkiga, iyadoo lagu boggaadiyay go\u2019aanka geesinimada&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":102397,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102399"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=102399"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102399\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":102401,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102399\/revisions\/102401"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/102397"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=102399"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=102399"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=102399"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}