{"id":102207,"date":"2025-09-13T08:24:07","date_gmt":"2025-09-13T07:24:07","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=102207"},"modified":"2025-09-13T08:24:07","modified_gmt":"2025-09-13T07:24:07","slug":"qadar-oo-maraykanka-kala-hadashay-hanjabaadda-netanyahu-ee-la-xiriirta-in-uu-fulin-karo-weerar-kale","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/qadar-oo-maraykanka-kala-hadashay-hanjabaadda-netanyahu-ee-la-xiriirta-in-uu-fulin-karo-weerar-kale\/","title":{"rendered":"Qadar oo Maraykanka kala hadashay hanjabaadda Netanyahu ee la xiriirta in uu fulin karo weerar kale"},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Qadar Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Jaasim Al thani ayaa Madaxda Sare Maraykanka u sheegay in Dowladdiisa ay qaadayso tallaabo culus oo uusan shaacin nooceeda waa haddii Israa\u2019iil ay markale gudaha dalkeeda ka fuliso weerar kale.<\/p>\n<p>Waxa uu ku tilmaamay daan-daansi iyo gardarro aanay ilaa haatan ka garaabin Israa\u2019iil kuna sii hanjabayso inay fulinayso weerarro kale oo gudaha Dalkaas Qadar ka dhaca, Ra\u2019iisul Wasaare Maxamed Bin Cabdiraxmaan ayaa si adag ugu goodiyay Madaxda Maraykanka.<\/p>\n<p>Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka Marco Rubio ayaa Ra\u2019iisul Wasaaraha Qadar u sheegay in Washington ay xoogga saarayso sidii looga hortagi lahaa weerar kale oo Israa\u2019iil ay ka gaysato dhulka Qadar taasina ay ka dhalan karto dhibaato kale.<\/p>\n<p>Kulan casho ah oo ka dhacay madaxtooyada Maraykanka ayay isku arkeen Mas\u2019uuliyiinta Dooxa iyo Washington, Donald Trump ayaa markii uu dhacay weerarkii Dooxa Talaadadii todobaadkii tagay waxa uu sheegay in uusan ku faraxsanayn.<\/p>\n<p>Qadar ayaa garab istaag ka heshay Dalal Soomaaliya ay kamid tahay oo kulankii golaha Ammaanka ee maalin kahor qabsoomay ka dhex sheegay in ay Israa\u2019iil ku xadgudubtay ciidda Qadar iyada oo fulisay duqeymo dhaliyay Dhimasho &amp; dhaawac.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Qadar Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Jaasim Al thani ayaa Madaxda Sare Maraykanka u sheegay in Dowladdiisa ay qaadayso tallaabo culus oo uusan shaacin nooceeda waa haddii Israa\u2019iil ay markale gudaha dalkeeda ka fuliso weerar kale. Waxa uu ku tilmaamay daan-daansi iyo gardarro aanay ilaa haatan ka garaabin Israa\u2019iil kuna sii hanjabayso inay fulinayso&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":102208,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102207"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=102207"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102207\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":102210,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102207\/revisions\/102210"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/102208"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=102207"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=102207"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=102207"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}