{"id":102154,"date":"2025-09-11T09:49:38","date_gmt":"2025-09-11T08:49:38","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=102154"},"modified":"2025-09-11T10:47:29","modified_gmt":"2025-09-11T09:47:29","slug":"khilaaf-soo-kala-dhex-galay-diblumaasiyiinta-safaaradaha-soomaaliya-ee-kenya-iyo-tansaaniya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/khilaaf-soo-kala-dhex-galay-diblumaasiyiinta-safaaradaha-soomaaliya-ee-kenya-iyo-tansaaniya\/","title":{"rendered":"Khilaaf soo kala dhex galay Diblumaasiyiinta Safaaradaha Soomaaliya ee Kenya iyo Tansaaniya"},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-size: medium;\">Diblumaasiyiinta Safaaradaha Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tansaaniya ayaa waxaa soo ifbaxay khilaaf u dhaxeeya oo la xiriira ganacsato Soomaaliyeed oo dhawaan safar ku tagey dalka DRC Congo.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: medium;\">Ganacstada oo uu hoggaaminayo Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa socdaal ku tagay magaalada Kinshasa ee dalka DRC Congo, si ay u sahmiyaan fursamo maalgashi oo lagu sameynayo dahabka iyo macdanta.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: medium;\">Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania oo sidoo kale mas\u2019uuliyadda Soomaaliya uga wakiil ah dalka Congo ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda Facebook ku cambaareysay safarkaasi, iyadoo sheegtay inaan wax ogeysiis ah laga siin. <\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: medium;\">Waxay ku tilmaantay tallaabadaasi jebin ku ah xeerarka diblomaasiyadda iyo nidaamka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: medium;\">Qoraalka safaaradda ayaa lagu yiri:<\/span><\/p>\n<p><strong><span style=\"font-size: medium;\">&#8220;Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo waxay hoos timaaddaa mas\u2019uuliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya marka la eego ilaalinta danaha shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Socdaalka lagu sheegay inuu hoggaaminayay Safiirka Kenya, oo ay la socdeen ganacsato Soomaaliyeed iyo Kenyan ah, laguma wargelin safaaradda Soomaaliya. Sidaasi darteed, waxa loo arkaa jebinta xeerarka diblomaasiyadeed iyo shuruucda Wasaaradda Arrimaha Dibadda.&#8221;\u00a0<\/span><\/strong><\/p>\n<p><span style=\"font-size: medium;\">Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya weli kama aysan hadlin arrintan, mana cadda in tallaabo anshaxeed laga qaadi doono dhinacyada ku lugta leh.<\/span><\/p>\n<p><strong><span style=\"font-size: medium;\">Mustaqbal<\/span><\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Diblumaasiyiinta Safaaradaha Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tansaaniya ayaa waxaa soo ifbaxay khilaaf u dhaxeeya oo la xiriira ganacsato Soomaaliyeed oo dhawaan safar ku tagey dalka DRC Congo. Ganacstada oo uu hoggaaminayo Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa socdaal ku tagay magaalada Kinshasa ee dalka DRC Congo, si ay u sahmiyaan fursamo maalgashi oo lagu sameynayo&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":102158,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102154"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=102154"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102154\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":102164,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/102154\/revisions\/102164"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/102158"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=102154"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=102154"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=102154"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}