{"id":101818,"date":"2025-09-02T14:47:32","date_gmt":"2025-09-02T13:47:32","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=101818"},"modified":"2025-09-02T14:47:32","modified_gmt":"2025-09-02T13:47:32","slug":"bannaanbax-ka-dhan-ah-ciidanka-jubbaland-oo-ka-dhacay-mandheera","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/bannaanbax-ka-dhan-ah-ciidanka-jubbaland-oo-ka-dhacay-mandheera\/","title":{"rendered":"Bannaanbax ka dhan ah Ciidanka Jubbaland oo ka dhacay Mandheera"},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-size: large;\">Magaalada Mandera ayaa maanta waxaa ka dhacay mudaharaad ballaaran oo ay sameeyeen shacabka deegaanka, kuwaas oo ku dhawaaqayay in ciidanka Jubaland laga saaro deegaannadooda.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Banaanbaxayaasha oo sitay boorar iyo calaamado ay ku qornaayeen ereyo ay ka mid yihiin <\/span><em><span style=\"font-family: Times New Roman, serif;\"><span style=\"font-size: large;\">\u201cMurkomen ha iscasilo\u201d<\/span><\/span><\/em><span style=\"font-size: large;\">, ayaa ku eedeeyay dowladda Nairobi in ay halis gelisay madax-bannaanida Kenya, iyadoo ogolaatay in ciidamo shisheeye ay si xor ah ugu dhaqaaqaan gudaha Mandera.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Dadka mudaharaadayay ayaa sheegay in joogitaanka muddada dheer ee ciidamada Jubaland ee soo gudbay xadka, intii ay socdeen howl-gallada amniga, uu kordhiyay xiisadaha isla markaana dhaawacay kalsoonida shacabka ee ku aaddan awoodda dowladda Kenya ay ku ilaalinayso muwaadiniinteeda.<\/span><\/p>\n<p><strong>\u201c<\/strong><span style=\"font-size: large;\"><strong>Maxaa ciidamo shisheeye ugu socdaan waddooyinkeenna halka booliiska iyo militarigeenna la hareer mariyay?\u201d<\/strong> ayuu yiri mid ka mid ah dadka mudaharaaday.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Sidoo kale, shacabka ayaa si gaar ah weerar afka ah ugu qaaday Wasiirka Gaadiidka Kipchumba Murkomen, iyagoo ku baaqay inuu xilka iska casilo, waxayna ku eedeeyeen dayacaad iyo in uu ka gaabiyay ka jawaabidda cabashooyinka amni ee gobolka.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Dowladda Kenya weli kama aysan hadlin arrintan, hase yeeshee hoggaamiyeyaasha deegaanka ayaa uga digay in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban cabashooyinka, mudaharaadyadu ay kasii dari karaan maalmaha soo socda.<\/span><\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Magaalada Mandera ayaa maanta waxaa ka dhacay mudaharaad ballaaran oo ay sameeyeen shacabka deegaanka, kuwaas oo ku dhawaaqayay in ciidanka Jubaland laga saaro deegaannadooda. Banaanbaxayaasha oo sitay boorar iyo calaamado ay ku qornaayeen ereyo ay ka mid yihiin \u201cMurkomen ha iscasilo\u201d, ayaa ku eedeeyay dowladda Nairobi in ay halis gelisay madax-bannaanida Kenya, iyadoo ogolaatay in&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":101820,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/101818"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=101818"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/101818\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":101821,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/101818\/revisions\/101821"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/101820"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=101818"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=101818"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=101818"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}