{"id":101727,"date":"2025-08-31T09:46:13","date_gmt":"2025-08-31T08:46:13","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=101727"},"modified":"2025-08-31T10:04:59","modified_gmt":"2025-08-31T09:04:59","slug":"muxuu-yahay-balan-qaadka-dowladda-soomaaliya-ay-u-samaysay-danjire-jamaal","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/muxuu-yahay-balan-qaadka-dowladda-soomaaliya-ay-u-samaysay-danjire-jamaal\/","title":{"rendered":"Muxuu yahay balan qaadka dowladda Soomaaliya ay u samaysay Danjire Jamaal?"},"content":{"rendered":"<p>Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa August 30, 2025 ku qabsoomay doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulka Waqooyi Bari, kaas oo ay ku baratameen 10 musharrax oo u kala sharaxan labada xil.<\/p>\n<p>Doorashada oo la\u2019isla gaaray illaa galinka dambe ee maalintaas waxaa madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari loo doortay Cabdulqaadir Aw-Cali Firdhiye, halka madaxweynaha ku xigeenka loo doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.<\/p>\n<p>Musharaxiinta u tartantay madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo ka mid ahaa dadka ugu cadcadaa, balse waxa uu ku haray wareegii 1-aad, isaga oo galay kaalinta 3-aad, ka dib markii uu helay 15 cod.<\/p>\n<p>Jamaal oo looga baqdin qabay in uu cododkiisa u wareejiyay Cabdirisaaq Khaliif oo ka mid ahaa mucaaradka, ayaa isbadal dhacay gadaal markii uu cododkiisa ku biiriyay Cabdulqaadir Firdhiye, ka dib markii uu ballanqaad ka helay Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasina waxa ay sababtay in uu ka tanaasulo ololihii xoogganaa uu geliyay Doorashadii ka dhacday magaalada Laascaanood.<\/p>\n<p>Tan iyo horraantii bishaan oo ah markii uu ku dhawaaqay musharraxnimadiisa waxa uu waday sidii loo sameyn lahaa isbahaysi siyaasadeed oo xooggan kuna gaarayo Doorashadii dhacday 30kii Agoosto 2025 ee Cabdulqaadir Firdhiye ku guulaystay.<\/p>\n<p>Bandhigga Siyaasadeed uu Wasiir hore Jamaal Maxamed Xasan ka sameeyay Magaalada Laascaanood maalmihii ololaha Doorashada waxa uu waji kale u yeelay loolanka musharrixiinta inkasta oo markii dambe heshiis la sheegay in uu la galay Dowladda Federaalka.<\/p>\n<p>Sida ay ku warrameen ilo ku dhow ballanqaadkaas, Dowladda Federaalka ayaa Jamaal Maxamed Xasan u ballanqaadday in uu kamid noqdo Xukuumadda Dan-qaran gaar ahaan xilka Wasiirka Deegaanka iyo Isbaddelka Cimillada la siinayo.<\/p>\n<p>Jamaal oo olole xoggan ka sameeyay magaalada Laascaanood ayaa horay usoo qabtay xilka Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya, isaga oo noqday wasiirkii ugu muddada dheeraa marka la eego Wasaaraddaan isaga oo hayay 2017 illaa 2022.<\/p>\n<p>Danjire Jamaal ayaa markii Doorashadu soo idlaatay kaddib, waxa uu u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Cabdulqaadir Firdhiye iyo ku xigeenkiisa Cabdirashiid Yuusuf, waxa uu ka rajeeyay in ay dhexda u xirtaan sidii Maamulka Waqooyi bari loo dardargelin lahaa.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa August 30, 2025 ku qabsoomay doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulka Waqooyi Bari, kaas oo ay ku baratameen 10 musharrax oo u kala sharaxan labada xil. Doorashada oo la\u2019isla gaaray illaa galinka dambe ee maalintaas waxaa madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari loo doortay Cabdulqaadir Aw-Cali Firdhiye, halka madaxweynaha ku xigeenka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":101728,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/101727"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=101727"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/101727\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":101733,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/101727\/revisions\/101733"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/101728"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=101727"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=101727"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=101727"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}