{"id":101259,"date":"2025-08-18T12:58:10","date_gmt":"2025-08-18T11:58:10","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=101259"},"modified":"2025-08-18T13:00:25","modified_gmt":"2025-08-18T12:00:25","slug":"guddoomiye-shuute-aabbahay-ka-hor-inta-aan-la-dilin-wuxuu-yimid-gurigayga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/guddoomiye-shuute-aabbahay-ka-hor-inta-aan-la-dilin-wuxuu-yimid-gurigayga\/","title":{"rendered":"Guddoomiye Shuute oo ka hadlay waayihiisa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida"},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-family: Times New Roman, serif;\"><span style=\"font-size: medium;\">Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka Sida, Gaashaanle Sare, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa bixiyay wareysi uu diirada ku saarayo waayihiisa iyo culeysyada uu la kulmay intii uu ku jiray howlaha caddaaladda Soomaaliya.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-family: Times New Roman, serif;\"><span style=\"font-size: medium;\">Qoraal lagu daabacay Wargeyska The Observer ayuu Gaashaanle Shuute kaga sheekeeyay nidaamka caddaaladda Soomaaliya iyo sababaha keenay in Muuqaal ahaan loo baahiyo dacwadaha ka socda Maxkamadaha. <\/span><\/span><\/p>\n<p>\u201c<span style=\"font-family: Times New Roman, serif;\"><span style=\"font-size: medium;\"><b>Waxaan rabnaa in shacabka Soomaaliyeed, iyo guud ahaanba bulshada caalamka, aan tusno sida caddaaladdu u shaqeyso. Waxaan dooneynaa inay si cad u arkaan caddeymaha la horkeenay, ay dhageystaan doodaha labada dhinac, isla markaana ay marqaati ka noqdaan go\u2019aanka kama dambaysta ah ee maxkamaddu gaarto\u201d<\/b> ayuu yiri Guddoomiye Shuute,<\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-family: Times New Roman, serif;\"><span style=\"font-size: medium;\">Sidoo kale, wuxuu ka hadlay dhacdo mahadho ku reebtay oo la xiriirta dilka aabihii Cali Nuur oo dabley hubeysan 2 bishii Janaayo ee sannadkii 2018 ku dileen <span style=\"color: #222222;\">xaafadda Suuq Boocle ee Degmada Dharkiinley <\/span><span style=\"color: #222222;\">ee gobolka Banaadir.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #222222;\"><span style=\"font-family: Times New Roman, serif;\"><span style=\"font-size: medium;\">Gaashaanle Sare, Xasan Cali wuxuu tilmaamay in aabihii ka walwalsanaa shaqada uu hayo, isagoo dhowr jeer kula taliyay inuu iska dhaafso, maadama xaaladda dalka ay adkeyd.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #222222;\">\u201c<span style=\"font-family: Times New Roman, serif;\"><span style=\"font-size: medium;\"><b>Aabbahay ka hor inta aan la dilin wuxuu yimid gurigayga. Aad ayuu ugu welwelsana shaqadeyda, wuxuuna igu waaniyay inaan joojiyo\u201d <\/b>ayuu yiri Gaashaanle Sare Shuute.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #222222;\"><span style=\"font-family: Times New Roman, serif;\"><span style=\"font-size: medium;\">Guddoomiye Shuute ayaa kamid ah Saraakiisha caanka ah ee Garsoorka dalka, wuxuu ka soo shaqeeyay dacwooyin adag oo la xiriiray dambiyada ay galaan xubnaha AS iyo falalka rabshadaha ah ee ay ku lug lahaayeen ciidanka.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka Sida, Gaashaanle Sare, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa bixiyay wareysi uu diirada ku saarayo waayihiisa iyo culeysyada uu la kulmay intii uu ku jiray howlaha caddaaladda Soomaaliya. Qoraal lagu daabacay Wargeyska The Observer ayuu Gaashaanle Shuute kaga sheekeeyay nidaamka caddaaladda Soomaaliya iyo sababaha keenay in Muuqaal ahaan loo&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":101260,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/101259"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=101259"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/101259\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":101262,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/101259\/revisions\/101262"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/101260"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=101259"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=101259"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=101259"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}