{"id":100953,"date":"2025-08-09T09:43:29","date_gmt":"2025-08-09T08:43:29","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=100953"},"modified":"2025-08-09T09:43:29","modified_gmt":"2025-08-09T08:43:29","slug":"xildhibaanno-katirsan-baarlamaanka-federaalka-oo-wada-mooshin-ka-dhan-ah-xukuumadda-rw-xamsa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/xildhibaanno-katirsan-baarlamaanka-federaalka-oo-wada-mooshin-ka-dhan-ah-xukuumadda-rw-xamsa\/","title":{"rendered":"Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Federaalka oo wada Mooshin ka dhan ah Xukuumadda RW Xamsa"},"content":{"rendered":"<p>Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS oo lagu sheegay 120 Mudane ayaa diyaariyay mooshin ka dhan ah Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre sida ay sheegeen qaar kamid ah Xildhibaannada mooshinkaan wada.<\/p>\n<p>Magacyada xubnaha muujiyay in ay kaalintooda ku leeyihiin mooshinkaan waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare, Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, Xildhibaan Faa\u2019isa Jeyte iyo xubno kale.<\/p>\n<p>Baarlamaanka ayaa fasax ku maqan, waxaa lagu wadaa in uu kalfdhiga uu furmo 23ka Agoosto oo maalmo kooban inaga xigaan, Xildhibaannada Mooshinka wada ayaa billaabay kulamo ay ku xoojinayaan mudaneyaasha kale ee soojintooda ku garab taagan.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre waxa uu xafiiska joogaa 3 sano iyo 2 bil, arrimo badan oo ay kamid tahay Doorashada Dalka ayaa horyaal maadaama muddo xileedka dastuuriga ah ee Dowladda uu ku siman yahay May 2026.<\/p>\n<p>Xubno katirsan Xukuumadda Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa ayaa dhankooda wada olole ay ku difaacayaan Xukuumadda Dan-Qaran si ay uga hortagaan mooshinkaan ay wadaan Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS.<\/p>\n<p>Kalfadhigii 6aad waxa uu idlaaday iyada oo Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka ay wadeen mooshin kan lamid ah oo ka dhan ah Xukuumadda Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi balse ma suuragelin in la guda galo.<\/p>\n<p>Haddaba, Mooshinka ay wadaan Xildhibaannada ee ka dhanka ah Xukuumadda Ra\u2019iisul Wasaare Xamse Cabdi ma aqbali doonnaa Guddoonkooda?<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS oo lagu sheegay 120 Mudane ayaa diyaariyay mooshin ka dhan ah Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre sida ay sheegeen qaar kamid ah Xildhibaannada mooshinkaan wada. Magacyada xubnaha muujiyay in ay kaalintooda ku leeyihiin mooshinkaan waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare, Xildhibaan Saabir&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":98133,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100953"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=100953"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100953\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":100954,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100953\/revisions\/100954"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/98133"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=100953"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=100953"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=100953"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}