{"id":100918,"date":"2025-08-08T06:09:00","date_gmt":"2025-08-08T05:09:00","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=100918"},"modified":"2025-08-08T06:09:00","modified_gmt":"2025-08-08T05:09:00","slug":"hayadda-iom-oo-ka-digtay-halista-tahriibayaasha-isaga-kala-gudba-soomaaliya-yemen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/hayadda-iom-oo-ka-digtay-halista-tahriibayaasha-isaga-kala-gudba-soomaaliya-yemen\/","title":{"rendered":"Hay\u2019adda IOM oo ka digtay halista tahriibayaasha isaga kala gudba Soomaaliya &#038; Yemen"},"content":{"rendered":"<p>Hay\u2019adda Socdaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan loona soo gaabiyo ee IOM ayaa ka digtay halista nafeed ay la kulmayaan dadka isaga kala gudba Biyaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen ee sida tahriibka ah raba in ay ugu sii gudbaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya.<\/p>\n<p>IOM ayaa sheegtay in dadka qaar ay u dhinteen baahi (Cunno la\u2019aan) sabab la xiriirta safarkooda oo waqti badan qaatay, badda oo kacsan iyo sahayda ay wateen oo markii hore aad u yarayd sida ay hadalka u dhigtay Hay\u2019addu.<\/p>\n<p>\u201cTodobo ruux oo Itoobiyaan ah ayaa gaajo u geeriyootay\u201d sidaasi waxaa lagu yiri warka kasoo baxay hay\u2019adda Socdaalka Adduunka ee IOM, waxaa intaas lagu sii daray \u201cBadbaadin iyo kahortag ayay u baahan yihiin tahriibayaashaan oo naftooda halis galinaya\u201d.<\/p>\n<p>Talaadadii waxaa Koofurta Yemen gaar ahaan Arqah gaartay Doon ay la socdeen 250 ruux oo 82 kamid ah ay yihiin Carruur kuwaas oo ka safray Magaalada Boosaaso Gobolka Bari ee Dowlad-Goboleedka Puntland, waxa ay u badnaayeen Itoobiyaan.<\/p>\n<p>Sanadkaan 2025 waxaa biyaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen ku dhintay in ka badan 350 ruux oo tahriibayaal ah, waxaa lasoo badbaadiyay qaar kamid ah dadkii la socday kuwa geeriyootay sida ay sheegtay Hay\u2019adda IOM.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hay\u2019adda Socdaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan loona soo gaabiyo ee IOM ayaa ka digtay halista nafeed ay la kulmayaan dadka isaga kala gudba Biyaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen ee sida tahriibka ah raba in ay ugu sii gudbaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya. IOM ayaa sheegtay in dadka qaar ay u dhinteen baahi (Cunno la\u2019aan) sabab&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":79122,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,77],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100918"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=100918"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100918\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":100919,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100918\/revisions\/100919"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/79122"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=100918"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=100918"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=100918"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}