{"id":100894,"date":"2025-08-07T09:18:24","date_gmt":"2025-08-07T08:18:24","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=100894"},"modified":"2025-08-07T09:27:40","modified_gmt":"2025-08-07T08:27:40","slug":"maxay-tahay-dooda-ay-isku-hayaan-fiqi-juxa-iyo-xoosh-ee-salka-ku-haysa-baasaboorka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxay-tahay-dooda-ay-isku-hayaan-fiqi-juxa-iyo-xoosh-ee-salka-ku-haysa-baasaboorka\/","title":{"rendered":"Maxay tahay dooda ay isku hayaan Fiqi, Juxa, iyo Xoosh ee salka ku haysa Baasaboorka?"},"content":{"rendered":"<p>Qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa ayaa siyaabo kale duwan uga falceliyay faallo uu bartiisa Facebook ku faafiyay Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, kaas uu uga falceliyay go\u2019aan ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan Baasaboorka dalka.<\/p>\n<p>Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Gobaleedka Puntland Cabdi Faarax Juxa oo bartiisa gaarka ah ee Facebook kaga falceliyay go\u2019aankii dowladda Soomaaliya ee ahaa qofkasta oo dalbanaya Baasaboorka in ay qasab ku tahay in uu haysto Kaarka Aqoonsiga, halka dadka ku safraya dalka gudihiisa laga rabo in ay sameestaan Kaarka NIRA wixii ka dambeeya Janaayo 2026.<\/p>\n<p>Mr. Juxa oo ka <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/share\/p\/1a4RSBciEE\/\">falceliyay<\/a> amarkaan ayaa yiri, <strong><em>\u201cBaasaboorkii ugu liitay adduunka xagga socdaalka oo dadkiisa ciqaab iyo shar looga dhigay, marka taladu gacan qur ah iyo meel qur ah gasho waxay noqotaa shar ummadeed.\u201d<\/em><\/strong><\/p>\n<p>Durba hadalka Wasiir Juxa waxaa ka falceliyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, isaga eed u jeediyay maamulka Puntland, xilli uu soo qaatay dhacdadii Markabkii dhawaan ay ciidamada Puntland ka afduubteen Xeebta Bareedo, kaas oo siday Hub iyo gaadiid ciidan oo ay lahayd dowladda Turkiga, kuna soo wajahnaa magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Wasiir Fiqi oo ka <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/share\/p\/15ERfeoBQC\/\">falceliyay<\/a> faallada Juxa ayaa yiri, <strong><em>\u201cWadan aad maraakiibtii Badda maraysay ee sharciga ku socotay aad afduubanayso weliba si xishood darro ah aad ku leedahay waa \u201cQaniimo\u201d miyaa baasaboorkiisa dadaal kasta <\/em><em>o<\/em><\/strong><em><strong><em>o<\/em> lagu bixiyo in lagu hagaajiyo kor u kacayaa.\u201d<\/strong><\/em><\/p>\n<p>Saacado ka dib dooda Juxa iyo Fiqi waxaa ku biiray Cali Xoosh oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya, isaga oo sheegay in Baasaboorkii foolaxumadiisa lagu caayay hadda la diidayo fiicnaantiisa.<\/p>\n<p>Wasiir Xoosh oo falcelintiisa ku faafiyay barta <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/share\/p\/19f6Czwom8\/\">Facebook<\/a> ayaa yiri, <strong><em>\u201cWaxaan maqli jiray facaa foolxumadana waa kugu caayaa, fiicnaantana kuuma ogola, Baasaboorkeenii foolxumadiina ma lagu caayey, fiicnaantiina ma loo diiday, aduun faalo danbe buu leeyahay.&#8221;<\/em><\/strong><\/p>\n<p>Hadalladaan ay isdhaafsadeen Juxa, Fiqi, iyo Xoosh ayaa hadal hayn ka abuurtay bulshada, iyaga oo qaarkood soo dhaweeyay amarka ka soo baxay dowladda ee ahaa kor u qaadista tayada Baasaboorka dalka, taas oo ku sifeeyeen in uu yahay go\u2019aankaan mid Qaran, oo uusan ahayn mid qof.<\/p>\n<p>Juxa iyo Fiqi ayaa sidaan oo kale faallooyin dhaliil iyo difaacid ah isku dhaafsaday baraha Bulshada gaar ahaan Facebook, labadaan mas\u2019uul ayaa caan ku ah difaacidda Siyaasadda dowladda dhexe iyo midda dowlad gobaleedka Puntland.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa ayaa siyaabo kale duwan uga falceliyay faallo uu bartiisa Facebook ku faafiyay Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, kaas uu uga falceliyay go\u2019aan ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan Baasaboorka dalka. Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Gobaleedka Puntland Cabdi Faarax Juxa oo bartiisa gaarka ah ee Facebook&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":100902,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,77],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100894"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=100894"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100894\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":100903,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100894\/revisions\/100903"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/100902"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=100894"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=100894"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=100894"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}