{"id":100874,"date":"2025-08-06T14:57:50","date_gmt":"2025-08-06T13:57:50","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=100874"},"modified":"2025-08-06T14:57:50","modified_gmt":"2025-08-06T13:57:50","slug":"soomaaliya-iyo-howlgalka-aussom-oo-ka-wada-hadlay-dagaalka-as","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/soomaaliya-iyo-howlgalka-aussom-oo-ka-wada-hadlay-dagaalka-as\/","title":{"rendered":"Soomaaliya iyo howlgalka AUSSOM oo ka wada hadlay dagaalka AS"},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-size: medium;\">Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka Xasillinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: medium;\">Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta, iyada oo lagu lafa-guray kaalinta Midowga Afrika ka qaato taageerada nabadgelyada iyo dagaalka AS.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: medium;\">Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyey Midowga Afrika kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan sugidda amniga, gaar ahaan howlgalka AUSSOM, isagoo ku boorriyay in la laba-jibbaaro dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida dalka.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: medium;\">Danjire El Hadji Ibraahima Diene, ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Wasiirka soo dhoweynta diirran, isagoo xusay in Midowga Afrika ay ka go\u2019an tahay sii wadidda taageeridda Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada badan leh.<\/span><\/p>\n<p><strong><span style=\"font-size: medium;\">Mustaqbal<\/span><\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka Xasillinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta, iyada oo lagu lafa-guray kaalinta Midowga Afrika ka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":100875,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100874"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=100874"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100874\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":100876,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100874\/revisions\/100876"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/100875"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=100874"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=100874"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=100874"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}