{"id":100851,"date":"2025-08-06T10:42:34","date_gmt":"2025-08-06T09:42:34","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=100851"},"modified":"2025-08-06T10:58:17","modified_gmt":"2025-08-06T09:58:17","slug":"maxay-yihiin-shuruudaha-cusub-ee-la-hordhigay-dadka-qaadanaya-baasaboorka-kuwa-gudaha-dalka-ku-safraya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxay-yihiin-shuruudaha-cusub-ee-la-hordhigay-dadka-qaadanaya-baasaboorka-kuwa-gudaha-dalka-ku-safraya\/","title":{"rendered":"Maxay yihiin shuruudaha cusub ee la hordhigay dadka qaadanaya Baasaboorka &#038; kuwa gudaha Dalka ku safraya?"},"content":{"rendered":"<p>Hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa go\u2019aamisay in laga billaabo horraanta bisha soo socota ee September in qofka dalbanaya ama qaadanaya Baasaboorka dalka laga doonayo in uu heysto kaarta Aqoonsiga qaranka ee (National ID).<\/p>\n<p>Kulan dhexmaray Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Cali Cumar Balcad, Agaasimaha guud ee Hay\u2019adda Socdaalka &amp; Jinsiyadda Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Maareeyaha guud ee NIRA Cabdiwali Cali Cabdulle, Lataliyayaal iyo mas\u2019uuliyiin kale ayaa lagu go\u2019aamiyay go\u2019aankaas.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxaa madasha laga sheegay in laga billaabo 1-da Janaayo sanadka soo socda ee 2026 in qofka ku safraya gudaha Dalka laga doonayo in uu heysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo hubiyo xogta shaqsiga sida hadalka loo dhigay.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan soosaartay awaamiir lagu xoojinayo qaadasha kaarka aqoonsiga qaran, qofka sameysanaya akoon banki ayay ku xirtay in uu heysto Kaarkaan, Qaadashada Shahaadada Dugsiga Sare iyo meelo kale.<\/p>\n<p>Kaarkaan waxa uu fududeynayaa in uusan waqti badan ku bixin dhalashada iyo sugnaanta oo ku qasbanaa qofka in uu soo sameysto kahor inta uusan dalban baasaboorka, shahaadaha iyo adeegyada kale ee dowladda bixiso.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa go\u2019aamisay in laga billaabo horraanta bisha soo socota ee September in qofka dalbanaya ama qaadanaya Baasaboorka dalka laga doonayo in uu heysto kaarta Aqoonsiga qaranka ee (National ID). Kulan dhexmaray Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Cali Cumar Balcad, Agaasimaha guud ee&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":100852,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100851"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=100851"}],"version-history":[{"count":6,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100851\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":100858,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100851\/revisions\/100858"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/100852"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=100851"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=100851"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=100851"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}