{"id":100596,"date":"2025-07-29T14:43:04","date_gmt":"2025-07-29T13:43:04","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=100596"},"modified":"2025-07-29T14:43:04","modified_gmt":"2025-07-29T13:43:04","slug":"maxay-ka-wada-hadleen-madaxweyne-xasan-shiikh-iyo-guddoomiyaha-midowga-afrika","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxay-ka-wada-hadleen-madaxweyne-xasan-shiikh-iyo-guddoomiyaha-midowga-afrika\/","title":{"rendered":"Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Shiikh iyo guddoomiyaha Midowga Afrika?"},"content":{"rendered":"<div><span style=\"font-size: 14pt;\">Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,\u00a0 Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa\u00a0 booqday xarruunta\u00a0Dhexe ee Midowga Afrika oo ku taalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kulan kula yeeshay\u00a0 Guddoomiyaha Ururkaasi, Maxamuud Cali Yuusuf.<\/span><\/div>\n<div>\n<span style=\"font-size: 14pt;\">Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dadaallada xasilinta Soomaaliya, xoojinta nabadda iyo amniga gobolka, iyo qorshaha kala guurka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo beddelaya hawlgalkii hore ee ATMIS.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 14pt;\">Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Midowga Afrika taageerada\u00a0 ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka AS oo ay garab ku siiyaan ciidanka xoogga.<\/span><\/div>\n<div>\n<span style=\"font-size: 14pt;\">Dhankiisa, Guddoomiye Maxamuud Cali Yuusuf ayaa muujiyay sida uu Midowga Afrika uga go\u2019an yahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dib u dhiska dowladnimada, iyo horumarinta dadaallada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 14pt;\">Midowga Afirka ayaa dhawaan wakiil rasmi ah u soo magacaabay Soomaaliya, kaasi oo la filayo inuu ka shaqeeyo dardar galinta howlgalka AUSSOM iyo\u00a0Wadashaqeynta Dowladda Federaalka.<\/span><\/div>\n<div><\/div>\n<div><span style=\"font-size: 14pt;\">Howlgalka AUSSOM ayaa wajahaya culeysyo dhinaca dhaqaalaha ah, iyada oo Golaha Ammaanka ay qabteen dhowr shir oo looga hadlay xallinta caqabadaasi.<\/span><\/div>\n<div><\/div>\n<div><strong>Mustaqbal<\/strong><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,\u00a0 Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa\u00a0 booqday xarruunta\u00a0Dhexe ee Midowga Afrika oo ku taalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kulan kula yeeshay\u00a0 Guddoomiyaha Ururkaasi, Maxamuud Cali Yuusuf. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dadaallada xasilinta Soomaaliya, xoojinta nabadda iyo amniga gobolka, iyo qorshaha kala guurka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":100597,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100596"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=100596"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100596\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":100598,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100596\/revisions\/100598"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/100597"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=100596"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=100596"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=100596"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}