{"id":100555,"date":"2025-07-28T12:11:27","date_gmt":"2025-07-28T11:11:27","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=100555"},"modified":"2025-07-28T12:42:54","modified_gmt":"2025-07-28T11:42:54","slug":"shiinaha-oo-digniin-u-diray-taiwan-iyo-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/shiinaha-oo-digniin-u-diray-taiwan-iyo-somaliland\/","title":{"rendered":"Shiinaha oo digniin u diray Taiwan iyo Somaliland"},"content":{"rendered":"<p><span data-contrast=\"none\">Dowladda Shiinaha ayaa si kulul u cambaareeyay heshiis cusub oo dhexmaray Somaliland iyo Taiwan 24-kii bishaan Luulyo 2025, kaasoo lagu saxiixay magaalada Taipei.<\/span><span data-ccp-props=\"{}\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p><span data-contrast=\"none\">Heshiiskaasi oo la xiriira iskaashi amni oo dhinaca xeebaha ah, ayuu Shiinuhu ku tilmaamay mid ka hor imaanaya mabda\u2019a hal dowlad oo Shiinaha ah isla markaana wax u dhimaya madax-bannaanida dhuleed ee dalkaasi.<\/span><\/p>\n<p><span data-contrast=\"none\">Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Taiwan ay weli tahay qeyb ka mid ah dhulka Shiinaha, isla markaana dowladda Shiinaha kaliya ay metesho guud ahaan Shiinaha. <\/span><span data-ccp-props=\"{}\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p><span data-contrast=\"none\">Sidoo kale, Shiinuhu wuxuu ugu baaqay Somaliland inay joojiso xiriirka rasmiga ah ee ay la leedahay Taiwan, isagoo sheegay in Somaliland ay weli ka tirsan tahay dhulka Soomaaliya.<\/span><span data-ccp-props=\"{}\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p><span data-contrast=\"none\">Heshiiska cusub ayaa lagu horumarin doonaa ammaanka xeebaha Somaliland, iyadoo la qaban doono tababaro, iyo iskaashi kalluumaysi taas oo labada dhinac uga gol leeyihiin inay kobciyaan dhaqaalaha badda.<\/span><span data-ccp-props=\"{}\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p><span data-contrast=\"none\">Shiinaha ayaa aaminsan in Taiwan ay tahay qeyb kamid ah, isla markaasna aan laga jari karin dhulkiisa.<\/span><span data-ccp-props=\"{}\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Shiinaha ayaa si kulul u cambaareeyay heshiis cusub oo dhexmaray Somaliland iyo Taiwan 24-kii bishaan Luulyo 2025, kaasoo lagu saxiixay magaalada Taipei.\u00a0 Heshiiskaasi oo la xiriira iskaashi amni oo dhinaca xeebaha ah, ayuu Shiinuhu ku tilmaamay mid ka hor imaanaya mabda\u2019a hal dowlad oo Shiinaha ah isla markaana wax u dhimaya madax-bannaanida dhuleed ee&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":100556,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100555"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=100555"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100555\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":100558,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100555\/revisions\/100558"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/100556"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=100555"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=100555"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=100555"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}