{"id":100534,"date":"2025-07-28T06:24:15","date_gmt":"2025-07-28T05:24:15","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=100534"},"modified":"2025-07-28T06:24:15","modified_gmt":"2025-07-28T05:24:15","slug":"suuriya-oo-qabaneysa-doorashooyin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/suuriya-oo-qabaneysa-doorashooyin\/","title":{"rendered":"Suuriya oo qabaneysa Doorashooyin"},"content":{"rendered":"<p>Dalka Suuriya ayaa la filayaa in laga qabto doorashooyinka baarlamaanka bisha Sebtembar, sida uu shaaciyay, Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Doorashooyinka Golaha Shacabka, Maxamed Taha al-Axmad<\/p>\n<p>Doorashooyinka ayaa la qaban doona inta u dhaxeysa 15 ilaa 20-ka Sebtembar, waana kuwii ugu horreeyay ee dalka ka dhaca tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore Bashaar al-Asad.<\/p>\n<p>Waxaa la filayaa in saddex meelood meel kuraasta Golaha Shacabka oo tiradoodu tahay 210, uu magacaabo Madaxweyne Kumeelgaarka ah Axmed al-Sharaa, halka inta kale lagu soo dooran doono codbixin guud.<\/p>\n<p>Sida uu sheegay xubin kale oo guddiga doorashooyinka ka tirsan, Xasan al-Daghiim, wareysi uu siiyay bogga Erem News, waxaa gobol kasta oo Suuriya ah laga hirgelin doonaa gole doorasho oo maamula kuraasta la dooranayo.<\/p>\n<p>Doorashadan ayaa imaanaysa iyadoo Suuriya ay wali wajahayso caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni, balse maamulka cusub ayaa ku adkeysanaya in doorashada ay horseedi doonto xasilooni siysiyaasadeed.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dalka Suuriya ayaa la filayaa in laga qabto doorashooyinka baarlamaanka bisha Sebtembar, sida uu shaaciyay, Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Doorashooyinka Golaha Shacabka, Maxamed Taha al-Axmad Doorashooyinka ayaa la qaban doona inta u dhaxeysa 15 ilaa 20-ka Sebtembar, waana kuwii ugu horreeyay ee dalka ka dhaca tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore Bashaar al-Asad&#8230;.<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":100535,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100534"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=100534"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100534\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":100536,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100534\/revisions\/100536"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/100535"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=100534"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=100534"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=100534"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}