{"id":100473,"date":"2025-07-26T03:37:44","date_gmt":"2025-07-26T02:37:44","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=100473"},"modified":"2025-07-26T03:37:44","modified_gmt":"2025-07-26T02:37:44","slug":"dowladda-soomaaliya-oo-war-ka-soo-saartay-tillaabada-faransiiska-ku-aqoonsayo-falastiin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/dowladda-soomaaliya-oo-war-ka-soo-saartay-tillaabada-faransiiska-ku-aqoonsayo-falastiin\/","title":{"rendered":"Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay tillaabada Faransiiska ku aqoonsayo Falastiin"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay go&#8217;aanka Faransiiska ku aqoonsanayo shacabka iyo dowladda Falastiin, tillaabadaasi oo Mareykanka iyo Israa&#8217;iil ka caroodeen.<\/p>\n<p>War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Shacabka Falastiiniyiinta xaq u leeyihiin dowlad madaxbanaan si waafaqsan shuruucda caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay.<\/p>\n<p><strong>&#8220;Dowladda Soomaaliya waxay u aragtaa go\u2019aanka Faransiiska mid geesinimo leh oo kusoo beegmaya xilli ku habboon, isagoo ka qeyb qaadanaya Nabadda Caalamka&#8221;<\/strong> ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Dowladda.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Soomaaliya ayaa tilmaamtay in ay garab taagan tahay shacabka Falastiiniyiinta oo muddo dheer wajahaya dagaalka iyo weerarada Israa&#8217;iil.<\/p>\n<p>Tillaabada Faransiiska ku aqoonsanayo shacabkaasi ayaa waxaa ka hor yimid Mareykanka iyo Israa&#8217;iil oo xulafo dhow ah.<\/p>\n<p>Faransiiska ayaa noqonaya mid kamid ah dalalka reer galbeedka ee jabiyay go&#8217;aanka in aan la aqoonsan Falastiin.<\/p>\n<p>Inkastoo in ka badan 142 dal oo ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay aqoonsadeen ama ay wadaan qorshaha, haddana dalalka awoodda leh sida Maraykanka, UK iyo Jarmalka ayaa weli ka caga-jiidaya.<\/p>\n<p><strong>Hoos ka akhriso Bayaanka Dowladda Soomaaliya oo ku qoran Ingiriis.<\/strong><\/p>\n<p style=\"text-align: left;\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-medium wp-image-100474\" src=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/20250726_053521-242x300.jpg\" alt=\"\" width=\"242\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/20250726_053521-242x300.jpg 242w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/20250726_053521-826x1024.jpg 826w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/20250726_053521-768x952.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/20250726_053521.jpg 1149w\" sizes=\"(max-width: 242px) 100vw, 242px\" \/><\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay go&#8217;aanka Faransiiska ku aqoonsanayo shacabka iyo dowladda Falastiin, tillaabadaasi oo Mareykanka iyo Israa&#8217;iil ka caroodeen. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Shacabka Falastiiniyiinta xaq u leeyihiin dowlad madaxbanaan si waafaqsan shuruucda caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay. &#8220;Dowladda Soomaaliya waxay u aragtaa go\u2019aanka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":100475,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100473"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=100473"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100473\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":100476,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100473\/revisions\/100476"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/100475"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=100473"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=100473"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=100473"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}