{"id":100453,"date":"2025-07-25T06:31:17","date_gmt":"2025-07-25T05:31:17","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=100453"},"modified":"2025-07-25T08:26:48","modified_gmt":"2025-07-25T07:26:48","slug":"faransiiska-oo-aqoonsanaya-falastiin-iyo-mareykanka-oo-ka-carrooday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/faransiiska-oo-aqoonsanaya-falastiin-iyo-mareykanka-oo-ka-carrooday\/","title":{"rendered":"Faransiiska oo aqoonsanaya Falastiin iyo Mareykanka oo ka carrooday"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweyne Faransiiska, Emmanuel Macron\u00a0 ayaa ku dhawaaqay go&#8217;aan adag oo ay ku aqoonsan doonaan Dowladda Falastiin, tillaabadaasi oo ay ka caroodeen Mareykanka iyo Israa\u2019iil.<\/p>\n<p>Macron wuxuu sheegay in go&#8217;aanka aqoonsiga Falastiin ay kaga dhawaaqi doonaan kal fadhiga Guud ee Qaramada Midoobay ee bisha Sebtember.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Macron ayaa ku dooday in go\u2019aankaasi uu la jaanqaadayo mowqifkooda cadaalad iyo nabad waarta oo ka hana qaadda Bariga Dhexe.<\/p>\n<p>Go\u2019aanka Faransiiska ayaa la micno ah in mid ka mid ah xulafada ugu dhow ee Israa\u2019iil isla markaana ka tirsan dalalka awoodda leh ee G7 uu si cad u jebiyay mowqifka reer Galbeedka ee aan taageerin aqoonsiga Falastiin.<\/p>\n<p>Inkastoo in ka badan 142 dal oo ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay aqoonsadeen ama ay wadaan qorshaha, haddana dalalka awoodda leh sida Maraykanka, UK iyo Jarmalka ayaa weli ka caga-jiidaya.<\/p>\n<p>Dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ee Norway, Ireland iyo Spain ayaa bishii May shaaciyay inay bilaabeen geeddi-socodka aqoonsiga Falastiin, hase yeeshee Faransiiska ayaa noqonaya dalka ugu miisaanka culus ee Yurub ee qaada tallaabadaas.<\/p>\n<p>Dhanka kale, dowladda Maraykanka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Donald Trump ayaa ka carrootay go&#8217;aanka Faransiiska, iyaga oo aan ka qeybgali doonin shir ay Qaramada Midoobay qorshaynayso oo ku saabsan xal laba-dowladood ah oo ay noqdaan Falastiin iyo Israa\u2019iil.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweyne Faransiiska, Emmanuel Macron\u00a0 ayaa ku dhawaaqay go&#8217;aan adag oo ay ku aqoonsan doonaan Dowladda Falastiin, tillaabadaasi oo ay ka caroodeen Mareykanka iyo Israa\u2019iil. Macron wuxuu sheegay in go&#8217;aanka aqoonsiga Falastiin ay kaga dhawaaqi doonaan kal fadhiga Guud ee Qaramada Midoobay ee bisha Sebtember. Madaxweynaha Macron ayaa ku dooday in go\u2019aankaasi uu la jaanqaadayo mowqifkooda&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":100454,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100453"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=100453"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100453\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":100464,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100453\/revisions\/100464"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/100454"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=100453"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=100453"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=100453"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}